Posts

Showing posts from November, 2024

Macnaha Sharciga Ciqaabta (Criminal law ) ,

Image
Hordhac: Sharciga Ciqaabta Macnaha Sharciga Ciqaabta (Criminal Law ) (Fahamka 1-aad )  • Sharciga Ciqaabta wuxuu ka tirsan yahay sharciga dadweynaha , sababtoo ah dembigu wuxuu khuseeyaa danaha guud iyo kuwa wadajirka ah. Dembi kastaa wuxuu saameeyaa dhammaan bulshada oo dhan, mana khuseeyo shaqsi gaar ah oo keliya. • Xitaa marka uu ilaaliyo danaha si toos ah ugu khuseeya qofka (nolosha, xorriyadda, iyo sharafka), waxaa la ilaalinayaa aragtida dan guud ah. • Talaabooyinka tooska ah ee lagu qaado dambiyada waxay mar walba yihiin kuwo guud, waana dawladda mas’uul ka ah qaadista tallaabooyinkaasi. • Sharciga Ciqaabta waa laan cilmiga sharciga ka tirsan, oo si gaar ah u daraasaadda falalka sharciyeed ee loo arko dembi. Dambiga • Dambi waa fal bani’aadam ku kacay oo ay sharciyadu ku xidho ciqaab. Sidaas darteed, jiritaanka dembigu wuxuu ku xiran yahay ciqaab. • Sharciga Ciqaabta ee aan ka hadlayno wuxuu ku saabsan yahay waxa loo yaqaan “sharciga wax...