Posts

Showing posts from December, 2024

FALSAFADDA QAREENKA

Image
FALSAFADDA  QAREENKA Hordhac Farsamada iyo tabaha uu qareenku adeegsado waa udub-dhexaadka xirfadda qareenimada, waana waxa ka soocaya qareenka iyo dadka kale ee bulshada. Qareenku wuxuu leeyahay aqoon, xirfad, iyo farsamooyin gaar ah oo uu ku difaaco ama ku matalo macaamiishiisa, isaga oo adeegsanaya qawaaniinta iyo xeerarka dalka. Qormadani waxay sharaxaysaa farsamooyin muhiim ah oo qareenada ay ku tijaabiyaan xirfadooda sharciyeed, gaar ahaan marka ay la macaamilayaan dacwooyinka dastuuri ah. Tusaale: Dacwad Dastuuri ah oo laga furo Maxkamadda Sare Marka dacwad dastuuri ah laga furo Maxkamadda Sare ee Dalka, qareenka u doodayaa wuxuu adeegsadaa farsamooyin sharci oo waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira. 1. Marka uu Qareenku yahay Difaaca Qareenku, isagoo difaacaya dhinaca uu metelo, wuxuu isla markiiba gudbin karaa is-hortaag sharci oo ku saleysan: • Qodobka 109C oo lala akhriyo Qodobka 109B ee Dastuurka, kuwaas oo qeexaya in Maxkamadda Dastuuriga a...