halkan kabaro tariikh kooban oo ku saabsan wiilashii SYL
Maanta oo eey ku beegantahay 15ta bisha 5aad waxay Ummadda Soomaliyed u tahay malin qimo weyn ugu fadhida, isla markasna dowr weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii xoriyadda Ummadda Soomaaliyeed ay hanatay sanadkii #1960-kii. @Halgankii Ummadda Soomaaliyeed uu hogaanka u soo hayey xisibgii SYL iyo qaar ka mid ah #halgamayashii dalka u soo halgamay waxay aheyd talaabo loo qaaday sidii la isaga qaadi lahaa #xiliyaddii gumeysiga, isla markasna Ummadda Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa xoriyad taam ah. Dad badan oo Soomaaliyeed ayey suurtagal tahay inaysan maanta la socon inay tahay maalin quluubta shacabka Soomaaliyeed kaga taal meel muhiim ah, isla markaasna taariikhda dalka Soomaaliyeed ka gashay baal dahab ah qaab kii loo aasaasay ururka syl waqtigu markuu ahaa sanadka 1943-dii ayaa waxaa sheekaystay sida ay taariikhyahanadu sheegeen C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharma’arke oo rag saaxiibo ah oo si weyn isugu xirnaa, islana socon jiray mar kasta, ...