Posts

Showing posts from May, 2025

Maxay qabataa Somali legal Forum

Image
  Bismillaahi Raxmaani Raxiim Anagoo ka duulayna muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda aqoonta sharciyeed, xaqiijinta cadaaladda, iyo dhisidda nidaam garsoor oo hufan oo ku dhisan mabda’a sharciga iyo isla xisaabtanka, waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa furitaanka Somali Legal Forum – madal u gaar ah falanqaynta, doodda, iyo kobcinta cilmiga sharciga Soomaaliyeed. Somali Legal Forum waa goob furan oo ujeedkeedu yahay:-  In la, isugu keeno qareennada, garsoorayaasha, dacwad-oogayaasha, ardayda sharciga, iyo guud ahaan dadka daneeya arrimaha garsoorka; In lagu horumariyo fekerka sharciyeed ee dalka iyo kobcinta doorka sharciyaqaannada Soomaaliyeed; In la isdhaafsado aqoon, waayo-aragnimo iyo aragti cilmiyeed ku saabsan xeerarka dalka; In lagu xoojiyo fahamka dastuurka, xeerarka madaniga ah, xeerarka ciqaabta, iyo habraacyada maxkamadeed; In lagu difaaco oo la ilaaliyo mabda’a madax-bannaanida garsoorka, xuquuqda muwaadiniinta, iyo xukunka sharciga (Rule of Law). Madash...