qormo ku saabsan fahamka sharciga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada iyo Xakayntiisa
Hordhac Qormadan waxay muhiim u tahay fahamka waajibaadka sharci ee lagu xakameynayo lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, taasoo kaalin weyn ka qaadaneysa ilaalinta amniga dhaqaale ee dalka. Waxay si gaar ah uga caawinaysaa hay’adaha maaliyadeed iyo kuwa kale inay fuliyaan mas’uuliyadahooda sharci, iyagoo u hoggaansamaya nidaamyada loo dejiyay ka hortagga falalka sharci-darrada ah, si loo sugo xasilloonida iyo horumarka bulshada. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu tilmaamaayo Sharciga Ka Hortaga Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada wuxuu diiradda saarayaa nidaamyada sharci ee lagula dagaalamayo lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada. Sharcigan waxa uu qeexayaa tallaabooyin ka hortaga ah iyo masuuliyadaha ay leeyihiin hay’adaha maaliyadeed iyo kuwa kale ee u xilsaaran in ay la socdaan macaamillada si looga hortago falalka sharci-darrada ah. Qodobbada ugu muhiimsan ee sharcigan waxaa ka mid ah: 1. Dambiyada Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada - Wa...