Persons (Qofka) Qof Dabiici ah (Natural Person)
Persons (Qofka) Hordhac Qofku waa saldhigga xuquuqda iyo waajibaadka sharci. Qofka waxaa loo qaybin karaa labo: Qof Dabiici ah (Natural Person) – waa qofka caadiga ah ee dhashay, nool, una leh jiritaan jireed. Qof Sharci ah (Legal / Artificial Person) – waa hey’ad sharci ku dhisan oo leh shaqsiyad qaanuuneed, xuquuq iyo waajibaad. Labadoodaba waxaa lagu aqoonsadaa inay leeyihiin Legal Capacity (Awood Qaanuuneed). Qaybta Koowaad: Qofka Dabiiciga ah (Natural Person) Legal Capacity – Qodobka 29 X.M.S. Legal capacity micnaheedu waa “eligibility to have rights and duties” – awoodda lagu lahaan karo xuquuq iyo lagu qaadi karo waajibaad. Qofku wuxuu helaa awood qaanuuneed marka uu dhasho. Wuxuu waayaa awoodaas marka uu dhinto. Awood la’aantu (Incapacity) waxay noqon kartaa: Guud (Absolute). Xadidan (Relative). Helidda iyo Luminta Awoodda Qaanuuneed Helid: Markuu qofku dhasho isagoo nool. Lumid: Marka uu dhinto ama uu maxkamad go’aamiso. Disappearance – Qodobka...