Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis:
Marka laga hadlayo xarigga aan amarka maxkamadeed lahayn (xirista amar maxkamadeed la’aantiis), waxaa jira xaalado sharciga ah oo qeexaya in qof la soo qabto ama xabsiga la dhigo iyadoo aan loo helin amar ka socda maxkamad. Xarigga noocan ah wuxuu noqon karaa mid sharciga waafaqsan, waxaana jira qodobo gaar ah oo tilmaamaya xaaladaha ay waajibka tahay in qofka la xiro. Xarigga amar la’aanta waxa uu waajib noqonayaa marka qofku uu ku lug leeyahay falal dambiyo gaar ah oo saameynaya amniga, qarannimada, iyo xuquuqda aadanaha. Waxaa ka mid ah xaaladaha sharcigu u oggol yahay xiridda ama qabashada qofka iyadoo aan amar maxkamadeed la helin: 1. Falal lid ku ah qarannimada : Marka qofku uu ku lug leeyahay falal ka dhan ah qarannimada, kuwaas oo uu xeerku ciqaab adag (xabsi) u dajiyay, sida ku cad qodobada 98 iyo 184-239 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (X.C.S). 2. Ka fakasho xabsi : Qofka ka baxa xabsi isagoo aan oggolaansho ka helin, sida ku cad Qod. 305 X.C.S. 3. Burburin...