Posts

Showing posts from August, 2025

Sharciga iyo Anshaxa (Law and Morality)

Image
  1. Qeexid Anshaxu waa hab-dhaqan bulsho oo qeexaya kala duwanaanta waxa loo arko sax iyo khalad, isagoo ku dhisan qiyamka, dhaqanka iyo caqiidada bulshada. Sharciguna waa xeer qoran oo waajib ku ah dhammaan xubnaha bulshada, laguna dhaqmo iyadoo ay jirto awood sharci iyo ciqaab rasmi ah. 2. Kala soocidda Sharciga iyo Anshaxa Maxkamaduhu dacwad kama qaadaan xadgudub kaliya ku kooban anshaxa, haddii uusan jirin xeer qaran oo qoran oo falkaas mamnuucaya. Sidaa darteed, falalka anshax xumada ahi waxay noqon karaan kuwo aan sharci ciqaabiyin, inkasta oo bulshada ay cambaareyso. 3. Xiriirka Sharciga iyo Anshaxa • Falka khaladka ahi wuxuu noqon karaa: a) mid xadgudub ku ah sharciga qoran; b) mid lid ku ah anshaxa bulshada; c) ama labadaba. • Marka fal uu isku mar ka hor yimaado sharciga iyo anshaxa, waxaa la xiriira ciqaab sharciyeed iyo cambaareyn bulsho. Tusaale ahaan: dilka, dhaca, iyo kufsiga waa falal ciqaabeed oo sharci mamnuucay isla markaana anshaxeed ahaan la diiday. 4....