Posts

Showing posts from 2026

TAARIIKHDA IYO MABAADI’DA XEERKA CIQAABTA

  TAARIIKHDA IYO MABAADI’DA XEERKA CIQAABTA 1. Hordhac Xeerka ciqaabtu waa mid ka mid ah nidaamyada sharci ee ugu da’da weyn taariikhda aadanaha. Waxa uu si toos ah ula xiriiraa hab-nololeedka iyo ilbaxnimada bini’aadamka, maadaama uu ka dhashay baahida loo qabo in la xakameeyo falalka waxyeellada leh ee khatar gelinaya nabadda, ammaanka iyo nidaamka bulshada. 2. Bilowgii Xeerka Ciqaabta Adduunka Xeerka ciqaabta adduunka wuxuu bilaabmay xilligii ay soo baxeen ilbaxnimooyinkii hore. Xeerkii ciqaabeed ee ugu horreeyay ee si qoraal ah loo diiwaangeliyo waxa uu ku abtirsadaa Boqor Hammurabi iyo boqortooyadiisii Baabiloon (qiyaastii 1754 BC). Xeerkan Hammurabi wuxuu ku dhisnaa mabda’a caanka ah ee: “Il il ku beddel, ilig ilig ku beddel” Taas oo micnaheedu ahaa in qofka fal sameeya lagu ciqaabo ciqaab la mid ah dhibtii uu geystay. Xeerkan ayaa jiray kumannaan sano ka hor inta uusan sharciga casriga ah gaarin Yurub, taas oo muujinaysa in nidaamyada ciqaabeed ay ka horeeyeen ilbaxnimada...