Persons (Qofka) Qof Dabiici ah (Natural Person)


Persons (Qofka)

Hordhac



Qofku waa saldhigga xuquuqda iyo waajibaadka sharci. Qofka waxaa loo qaybin karaa labo:


  1. Qof  Dabiici ah (Natural Person) – waa qofka caadiga ah ee dhashay, nool, una leh jiritaan jireed.
  2. Qof Sharci ah (Legal / Artificial Person) – waa hey’ad sharci ku dhisan oo leh shaqsiyad qaanuuneed, xuquuq iyo waajibaad.

Labadoodaba waxaa lagu aqoonsadaa inay leeyihiin Legal Capacity (Awood Qaanuuneed).

Qaybta Koowaad: Qofka Dabiiciga ah (Natural Person)

Legal Capacity – Qodobka 29 X.M.S.

Legal capacity micnaheedu waa “eligibility to have rights and duties” – awoodda lagu lahaan karo xuquuq iyo lagu qaadi karo waajibaad.


  • Qofku wuxuu helaa awood qaanuuneed marka uu dhasho.
  • Wuxuu waayaa awoodaas marka uu dhinto.

Awood la’aantu (Incapacity) waxay noqon kartaa:


  • Guud (Absolute).
  • Xadidan (Relative).


Helidda iyo Luminta Awoodda Qaanuuneed

  • Helid: Markuu qofku dhasho isagoo nool.
  • Lumid: Marka uu dhinto ama uu maxkamad go’aamiso.


Disappearance – Qodobka 32 X.M.S.

Qof lagu waayo dagaal ama musiibo dabiici ah waxaa loo aqoonsan karaa inuu dhintay.


Absence (Maqnaansho):


  • Haddii qof la waayo muddo labo sano ka badan, waxaa loo qaadan karaa inuu maqnaaday.
  • Haddii maqnaanshuhu gaaro toban sano, maxkamaddu waxay ku dhawaaqi kartaa geeridiisa.
  • Haddii uu soo noqdo, hantidiisa waa loo soo celinayaa.

Capacity to Exercise Rights – Qodobka 44 X.M.S.

Micnaheedu waa awoodda qofku u leeyahay inuu sameeyo falal sharci ah.

Qofku wuxuu yeelan karaa:

  • Markuu qaan-gaaro (18 sano).
  • Maskax ahaan caafimaad qabo.
  • Awood lagama qaadin maxkamad ahaan.

Farqiga u dhexeeya:

  • Legal capacity → qofku wuxuu leeyahay marka uu dhasho.
  • Capacity to act → qofku wuxuu helaa marka uu qaan-gaaro.

Natural Incapacity (Awood la’aanta dabiiciga ah)

Waa marka qofka uu waayo rabitaankiisii inuu ficil sharci sameeyo sababo jireed ama maskaxeed.

  • Ku meel gaar: tusaale qof suuxay.
  • Joogto ah: tusaale qof qaba xanuun maskaxeed.

Fal sharci oo uu sameeyo qof noocan ahi waxaa loo arkaa Voidable (la baabi’in karo).

Qaybta Labaad: Qofka Sharci ah (Legal / Artificial Person)

Qodobada 52–80 X.M.S.

Qof sharci ah waa hey’ad sharci dhistay oo sharcigu aqoonsaday jiritaan qaanuuneed leh.

  • Waxay noqon karaan Public legal persons (dowlad, gobol, degmo).
  • Ama Private legal persons (shirkado, ururo, foundations).

Astaamaha:

  1. Waxay ka madax bannaan tahay dadka aasaasay.
  2. Waxay leedahay hanti u gaar ah.
  3. Waxay leedahay awood sharci ah (inay heshiis gasho, dacwooto ama lagu dacweeyo).
  4. Waxay leedahay patrimonial autonomy (madax-bannaani dhaqaale).


Associations iyo Foundations

Association (Urur)

  • Ku salaysan dad isu tagay (tusaale ururka qareenada, dhaqaatiirta, ciyaaraha).
  • Waxaa lagu dhisaa dastuur iyo diiwaan gelin sharci.

Foundation (Aasaas)

  • Ku salaysan hanti (tusaale hay’ad samafal).
  • Waxaa lagu dhisaa dardaaran ama qoraal sharci ah.

Farqiga:

  • Association → Dad ayaa saldhig u ah.
  • Foundation → Hanti ayaa saldhig u ah.

Ururada aan Aqoonsiga Lahayn

Ururada aan sharciyad rasmi ah helin ma laha shaqsiyad qaanuuneed (legal personality).


  • Waxaa ka mid noqon kara xisbiyada siyaasadeed iyo ururada shaqaalaha.
  • Waxay ku salaysan yihiin heshiisyo gaar ah oo xubnahooda u dhexeeya.

Ururada Samafalka iyo Mutadawacnimada

  • Waa ururo aan faa’iido doon ahayn.
  • Xubnaha shaqada qabta mushahar ma qaataan.
  • Waxaa lagu aasaasaa ujeedooyin bulshada u adeegaya: caafimaad, waxbarasho, dhaqanka.

Sifooyinka urur samafal:

  1. Aan faa’iido doon ahayn.
  2. Ku dhisan bini’aadantinimo.
  3. Madaxbannaan siyaasiyan iyo dhaqaale ahaan.

Gunaanad

Cutubkani wuxuu qeexayaa:


  • In qofka dabiiciga ahi uu leeyahay xuquuq iyo waajibaad laga bilaabo markuu dhasho.
  • In awoodda ficilka sharci uu leeyahay marka uu qaan-gaaro oo maskax fiyoow yahay.
  • In qofka sharci ah (hey’ad) uu leeyahay jiritaan sharciyeed gooni ah, hanti u gaar ah, iyo awood uu ku fuliyo falal sharci.

✍️ Qore: Avv. Abdirizak Haji Omar (Ifiye)

📚 Somali Lawyer | Legal Researcher | Advocate of Justice


Comments

Popular posts from this blog

Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed

Cont Law No. 28 of 22 December 1962 Somali Citizenship  

Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis: