FALSAFADDA QAREENKA
FALSAFADDA QAREENKA
Hordhac
Farsamada iyo tabaha uu qareenku adeegsado waa udub-dhexaadka xirfadda qareenimada, waana waxa ka soocaya qareenka iyo dadka kale ee bulshada. Qareenku wuxuu leeyahay aqoon, xirfad, iyo farsamooyin gaar ah oo uu ku difaaco ama ku matalo macaamiishiisa, isaga oo adeegsanaya qawaaniinta iyo xeerarka dalka. Qormadani waxay sharaxaysaa farsamooyin muhiim ah oo qareenada ay ku tijaabiyaan xirfadooda sharciyeed, gaar ahaan marka ay la macaamilayaan dacwooyinka dastuuri ah.
Tusaale: Dacwad Dastuuri ah oo laga furo Maxkamadda Sare
Marka dacwad dastuuri ah laga furo Maxkamadda Sare ee Dalka, qareenka u doodayaa wuxuu adeegsadaa farsamooyin sharci oo waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira.
1. Marka uu Qareenku yahay Difaaca
Qareenku, isagoo difaacaya dhinaca uu metelo, wuxuu isla markiiba gudbin karaa is-hortaag sharci oo ku saleysan:
• Qodobka 109C oo lala akhriyo Qodobka 109B ee Dastuurka, kuwaas oo qeexaya in Maxkamadda Dastuuriga ah ee Madaxbannaan ay tahay midda kaliya ee awood u leh go’aan ka gaarista dacwooyinka dastuuri ah.
• Doonista qareenku waxay noqon kartaa in Maxkamadda Sare lagu qanciyo in aysan lahayn awood sharci ah oo ku saabsan go’aan ka gaarista dacwadan, maadaama Dastuurku asaasay Maxkamad Dastuuri ah oo madax-bannaan.
Gunaanad:
Qareenku wuxuu ku doodayaa in Maxkamadda Sare ay xirto galka dacwadda kuna dhawaaqdo in aysan awood sharci ah u lahayn qaadista kiiskan.
2. Marka uu Qareenku yahay Dhinaca Dacweysanaha
Marka qareenku uu yahay kan furay dacwadda oo dhinaca kale soo gudbiyo is-hortaag, qareenka waxa uu adeegsadaa dood sharciyeed oo lid ku ah is-hortaagaas.
• Wuxuu daliil ahaan u cuskadaa:
• Qodobka 6aad, farqaddiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka (1962), oo tilmaamaya in ay Maxkamadda Sare, ilaa inta laga dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah, leedahay awoodda ka garnaqista dacwooyinka dastuuri ah.
• Lifaaqa Xeerka Nidaamka Garsoorka (Qodobka 1aad iyo 2aad), oo sidoo kale muujinaya awoodda Maxkamadda Sare ee ku saabsan dacwadaha dastuuri ah marka ay qaadato dowrka Maxkamadda Dastuuriga ah.
Gunaanad:
Qareenku wuxuu ku doodayaa in Maxkamadda Sare ay weli awood sharci ah u leedahay qaadista dacwadaha dastuuri ah ilaa inta laga dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah. Sidaas darteed, qareenka wuxuu ku qancinayaa Maxkamadda in ay diido is-hortaagaas, isaga oo caddeynaya in aanu waafaqsanayn sharciga.
Farsamada Qareenka: Awood Gaar Ah
Farsamada noocan oo kale ah ayaa ah waxa qareenka ka dhigaya mid muhiim ah oo aan loo simaneyn. Qareenku wuxuu adeegsadaa aqoon sharci, dood cilmiyeed, iyo xirfado hal-abuur leh si uu u difaaco xaqqa uu matalayo. Dooda sharciyeed ee qareenka, haddii ay tahay mid is-hortaag ama jawaab u ah is-hortaag, waxay ku saleysan tahay kala akhriska iyo fahamka qoto dheer ee qodobada sharciga iyo dastuurka.
Gabagabo
Farsamada qareenku waa tan ilaaliya xuquuqda dadka oo xaqiijisa in sharcigu si sax ah loo adeegsado. Sidaas darteed, qareen la’aantu waa xuquuq la’aan. Waxaa lama huraan ah in qareennada dalku ay yeeshaan xirfado sare iyo faham qoto dheer oo ay ku difaacaan sharciga iyo xuquuqda bulshada.
#Abuukaate :- C/risaaq Xaaji Cumar Ibrahim (Ifiye )

Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum