Maxay qabataa Somali legal Forum


 Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Anagoo ka duulayna muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda aqoonta sharciyeed, xaqiijinta cadaaladda, iyo dhisidda nidaam garsoor oo hufan oo ku dhisan mabda’a sharciga iyo isla xisaabtanka, waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa furitaanka Somali Legal Forum – madal u gaar ah falanqaynta, doodda, iyo kobcinta cilmiga sharciga Soomaaliyeed.

Somali Legal Forum waa goob furan oo ujeedkeedu yahay:- 

  • In la, isugu keeno qareennada, garsoorayaasha, dacwad-oogayaasha, ardayda sharciga, iyo guud ahaan dadka daneeya arrimaha garsoorka;
  • In lagu horumariyo fekerka sharciyeed ee dalka iyo kobcinta doorka sharciyaqaannada Soomaaliyeed;
  • In la isdhaafsado aqoon, waayo-aragnimo iyo aragti cilmiyeed ku saabsan xeerarka dalka;
  • In lagu xoojiyo fahamka dastuurka, xeerarka madaniga ah, xeerarka ciqaabta, iyo habraacyada maxkamadeed;
  • In lagu difaaco oo la ilaaliyo mabda’a madax-bannaanida garsoorka, xuquuqda muwaadiniinta, iyo xukunka sharciga (Rule of Law).

Madashani waxa ay noqon doontaa tiir lagu taagnaado marka la doonayo in la helo:

  • Falanqeyn qoto-dheer oo sharciyeed
  • Aragtiyo casri ah oo kusaabsan dib-u-habaynta garsoorka
  • Qareenno, macallimiin iyo khubaro la isku halleyn karo
  • Kor u qaadidda tayada adeegga sharciga iyo baraarujinta bulshada

Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sharciyeed ee Soomaaliyeed – gudaha iyo dibaddaba – inay ka qaybqaataan madashan, kana dhigaan aalad midaysan oo laga wada dhadhansado aqoon, wadatashi iyo wadajir.

“Cadaaladdu waa tiirka dowladnimada; sharciguna waa furaha xasilloonida.”

Waxaa naga go’an:

In Somali Legal Forum ay noqoto il rasmi ah oo cilmiyeed iyo madal sharciyeed oo xor ah, ku dhisan ka-qaybgal, aqoon, iyo akhlaaq sharciyeed.


Fadlan la wadaag madashan, la kaalay codkaaga, dooddaada iyo aqoontaada – maxaa yeelay isbeddelka sharciga waa mid aynu wada abuureyno.


Ku soo dhawaada.

Furitaanka Somali Legal Forum –

Comments

Popular posts from this blog

Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed

Cont Law No. 28 of 22 December 1962 Somali Citizenship  

Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis: