TAARIIKHDA IYO MABAADI’DA XEERKA CIQAABTA

 


TAARIIKHDA IYO MABAADI’DA XEERKA CIQAABTA

1. Hordhac

Xeerka ciqaabtu waa mid ka mid ah nidaamyada sharci ee ugu da’da weyn taariikhda aadanaha. Waxa uu si toos ah ula xiriiraa hab-nololeedka iyo ilbaxnimada bini’aadamka, maadaama uu ka dhashay baahida loo qabo in la xakameeyo falalka waxyeellada leh ee khatar gelinaya nabadda, ammaanka iyo nidaamka bulshada.

2. Bilowgii Xeerka Ciqaabta Adduunka

Xeerka ciqaabta adduunka wuxuu bilaabmay xilligii ay soo baxeen ilbaxnimooyinkii hore. Xeerkii ciqaabeed ee ugu horreeyay ee si qoraal ah loo diiwaangeliyo waxa uu ku abtirsadaa Boqor Hammurabi iyo boqortooyadiisii Baabiloon (qiyaastii 1754 BC).

Xeerkan Hammurabi wuxuu ku dhisnaa mabda’a caanka ah ee:

“Il il ku beddel, ilig ilig ku beddel”

Taas oo micnaheedu ahaa in qofka fal sameeya lagu ciqaabo ciqaab la mid ah dhibtii uu geystay. Xeerkan ayaa jiray kumannaan sano ka hor inta uusan sharciga casriga ah gaarin Yurub, taas oo muujinaysa in nidaamyada ciqaabeed ay ka horeeyeen ilbaxnimada reer Yurub.

3. Aragtiyada Sababta Loo Ciqaabo Qofka

Cilmiga sharciga ciqaabta (Criminal Law Theory) wuxuu qeexaa sababaha loo ciqaabo qofka danbi gala, kuwaas oo saldhig u ah dhammaan xeerarka ciqaabta casriga ah.

Aragti ahaan, qofka waxaa loo ciqaabaa sababo dhowr ah awgood, kuwaas oo ugu waaweyn ay yihiin:

  1. Ka-hortagga danbiga (Prevention):
    In la yareeyo ama la joojiyo danbiyada mustaqbalka, iyadoo la cabsi gelinayo qofka danbi doonka ah.
  2. Dib-u-edbinta danbiilaha (Deterrence/Rehabilitation):
    In qofka fal dambiyeed geystay uu dareemo cawaaqibka ficilkiisa, si uusan mar kale ugu noqon danbi.
  3. In ciqaabtu aysan noqon aargoosi (Not Revenge):
    Ciqaabtu ma aha mid shakhsi ama aargoosi ku dhisan, balse waa hab sharci oo lagu xaqiijinayo caddaalad, laguna ilaalinayo danaha guud ee bulshada.

4. Qeexidda Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (X.C.S.) waa sharci nidaamiya falalka dambiyeed, qeexaya waxa danbi ah iyo waxa aan danbi ahayn, isla markaana dejinaya ciqaabaha ku habboon fal kasta.

Waxaa lagu qeexaa in Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed:

  • Uu ka hadlayo falalka danbiyada ah iyo ciqaabaha ka dhalanaya
  • Uu nidaaminayo habka uu danbigu u dhacayo, sida masuuliyadda, ujeedada, iyo natiijada falka
  • Uu ka dhowran yahay wax kasta oo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka, maadaama Islaamku yahay isha ugu weyn ee sharciga dalka.

5. Mabaadi’da Guud ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu ku dhisan yahay mabaadi’ guud oo muhiim ah, kuwaas oo ka mid ah:

  1. Principle of Legality (Mabda’a Sharciyadda):
    Ciqaab lama saari karo qof ilaa falka uu sameeyay uu sharci ahaan danbi yahay, isla markaana uu jiro sharci hore u qeexay danbigaas iyo ciqaabtiisa. Awoodda sharci-dejintuna waxay ku kooban tahay hay’adaha sharci-dejinta.
  2. Principle of Certainty and Obligatoriness (Sugnaan iyo Khasab):
    Sharcigu waa inuu noqdaa mid cad, sugan, isla markaana khasab ah in la raaco; qofna kama sarreeyo sharciga.
  3. Principle of Non-Retroactivity (Dib-u-laabasho La’aan):
    Sharci ciqaabeed dib looma dabaqi karo fal dhacay ka hor inta aan sharcigaas la soo saarin.

6. Noocyada Danbiyada ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Marka la eego Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, danbiyada waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn:

  1. Common Crime (Danbi Caam ah):
    Waa danbi qof kasta oo caadi ah samayn karo, sida tuugnimo, dil, ama waxyeello.
  2. Specific Crime (Danbi Gaar ah):
    Waa danbi uu samayn karo oo keliya qof leh sifo gaar ah, sida sarkaal dowladeed ama shaqaale xil gaar ah haya.

7. Marka Qofku Galo Danbiyo Badan

Haddii qofku galo danbiyo badan, Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu ku nidaamiyay Qodobada 44–46 X.C.S., waxaana danbiyadaasi u dhacaan laba qaab:

  1. Material Concurrence (Danbiyo Fulin Badan):
    Waa marka qofku sameeyo falal kala duwan oo mid walba uu yahay danbi gaar ah.
  2. Formal Concurrence (Danbiyo Hal Ficil Ka Dhashay):
    Waa marka hal ficil oo keliya uu sababo danbiyo dhowr ah oo kala duwan.

W/Q: Garyaqaan Abdirizak Haji (Ifiye)

Qoraalkan waxaa loo habeeyey si cilmiyaysan, looguna talagalay fahamka ardayda sharciga, qareennada iyo ciddii danaynaysa Xeerka Ciqaabta.


Comments

Popular posts from this blog

Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed

Cont Law No. 28 of 22 December 1962 Somali Citizenship  

Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis: