Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed




 Tiirarka Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (X.C.S.) waxa uu ku dhisan yahay saddex tiir oo waaweyn oo ay culimada qaanuunka ku saleeyaan ciqaabta iyo mas’uuliyadda qofka la xiriirta. Saddexda tiir waa:


1. Tiirka Maadiga ah (السلوك)

Tiirkan wuxuu la xiriiraa habdhaqanka ama ficilka qofka ee la xiriira denbiga. Waxa uu leeyahay saddex qaybood:

a) Ficilka (سلوك): Waa in la helo ficil muuqda oo la xiriira denbiga.

b) Natiijo (الضرر): Waa in falkaas uu horseeday natiijo ama dhibaato muuqata.

c) Xiriirka Sababta iyo Natiijada (العلاقة السببية): Waa in uu jiro xiriir sabab iyo natiijo oo ka dhexeeya ficilka iyo dhibka ka dhashay.

Qodobka 21 ee X.C.S. ayaa si gaar ah uga hadlaya xiriirkan. Culimada qaanuunka waxay ku tilmaamaan in “sababta kaliya ee kufilan” ay tahay mabda’ uu qabo qaanuunka Soomaaliyeed.

2. Tiirka Macnawiga ah (معنوي/نفساني)

Tiirkan wuxuu diiradda saaraya xaaladda maskaxda qofka iyo rabitaankiisa marka uu sameynayo ficilka. Waxa uu leeyahay laba shardi oo waaweyn:

a) Rabis (الارادة): Waa in qofku doonayay ama ka warqabay waxa uu sameynayo.

b) Ogaal (الإدراك والتميز): Waa in qofka uu ahaa mid wax kala saari kara oo aanay maskax ahaan dhib ka jirin.

3. Tiirka Sharciga ah (شرعي/قانوني)

Tiirkan wuxuu tilmaamayaa in falka lagu eedeeyay qofka uu yahay mid sharci ahaan xaaraan ah. Waa in ficilka uu yahay mid lagu mamnuucay xeerarka dalka.


Haddii la helo saddexdan tiir, qofka waxaa laga dhigi karaa mid mas’uul ka ah falka lagu eedeeyay.


Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed (X.H.C.S.) iyo Qodobada Ku Xiran Xadhigga


Qodobka 34: Qofka Lagu Xidhi Karo Amar Maxkamadeed La’aantiis


1. Garsooraha, Xeer Ilaaliyaha Guud, ku-xigeenadiisa, iyo Sarkaalka Booliska ayaa xidhi kara qof amar maxkamadeed la’aantiis haddii ay waafaqsan tahay tilmaamaha xeerka.

2. Qof rayid ah ayaa sidoo kale xidhi kara qof haddii uu ku qabto isagoo falka ku jira, sida ku cad Qodobka 35, laakiin waa in qofkaasi si degdeg ah loogu gudbiyaa Sarkaal Boolis.


Qodobka 35: Xadhigga Waajibka ah ee Dadka Lagu Qabto Iyaga oo Falka ku Jira


Qofka waxa lagu xidhi karaa isagoo aan amar maxkamadeed loo haysan haddii uu lagu qabto isagoo faraha kula jira denbiyada soo socda:


Denbiyada lidka ku ah shaqsiyadda qaanuuniga ah ee qaranka, kuwaas oo ciqaab culus leh.

Ka fakashada xabsi sharci ah, burburin, tuugo, ama gawraca.

Ku talagalka cudur faafin, sumayn biyaha iyo cuntada.

Kufsi, salaaxid (hamad kicin), ama galmo xoog ah.

Dil, dhaawac culus, ama falalka ay la socdaan duruufo ciqaab culus leh.

Adduun-saarid, adoonsi, ama tuugo lagu oogo si rasmi ah.


Qodobka 38: Xadhigga Dadka looga Shakiyo in ay Galeen Denbi


Sarkaalka Booliska waxa uu xidhi karaa qof amar maxkamadeed la’aantii xaaladaha soo socda:

a) Haddii ay jirto xaalad degdeg ah oo lagama maarmaan ah, oo ay jiraan caddeymo la rumaysan karo in:

i) Qofka uu galay fal ciqaabtiisu tahay xadhig ka badan 2 sano ama ciqaab ka culus.

ii) Amar maxkamadeed aan la heli karin waqtigaas.

iii) Qofka laga cabsi qabo in uu baxsado haddii aan degdeg loo xidhin.


Qoraaga: Qareen Abdirizak Haji Omar Ibrahim (Ifiye)



Comments

Popular posts from this blog

Cont Law No. 28 of 22 December 1962 Somali Citizenship  

Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis: