Taariiikh kooban oo kusaab san xeerka ciqaabta soomaaliyeed
Taariiikh
kooban oo kusaab san xeerka ciqaabta soomaaliyeed
تاريخ موجزة قانون العقوبات بجمهورية الصومال الديموقراطية
Xeerka ciqaabta soomaali yeed waxaa lagu ansixiyay xeerka
tirsigiisu yahay 5 ee soo baxay 16dii
disheember 1962dii kahor markii xukumaddii
soomaliyeed ee markii xurriyadda
laqaatay loogu wakiishay xeerka tirsigiisu yahay 5 ee 30 kii janaayo 1962dii awoodda soo saaridda xeerka ciqaaba
soomaaliyeed ,kedibna markii lagu faafiyay (faafinta rasmiga ah ee dowladda),
loo gudbiyay dhamaan gudoomiyaasha
goboladda (Regional Governors),gudoomiyaasha degmooyinka (district
commissioners) iyo maamulladdii dowladaha hoose (local administrations) ,si eey
ugu bandhigaan bulshada xeerka muddo 60 maalmood ahayd oo isku xigtey, waxaana
xeerkani dhaqan galay (intrata in vigore) 3dii abriile 1964tii ,waxaana markaas
dhaqan beelay xeerkii ciqaabta ee
dowladihii gumeysan jirey soomaaliya .
Wakhtiga uu dhaqan galay xeerka
ciqaabta soomaaliyeed ka hor, waxaa xeer ciqaabeed ahaan lagu dhaqi jiray .
1)
Dhinacii soomaliya ee talyaaniga gumeey san
jiray (ex Italian Somalia) waxaa lagu dhaqi jiray xeerkii ciqaabta talyaaniga (
Codice penale Italian ) ee soo baxay 1930 kii waxaase barbar socdey shareecadda
islaaamka oo eey dabaqi jirtey maxkamaddii qaadiga
2)
Dhincii soomalida ee ingirisku gumeeysan jiray
(ex british Somaliland) waxaa lagu dhaqi jiray xeerkii lagu magacaabi jirey
xeerka hindiya (codice indiano or Indian penal code) ee soo baxay 1860 kii oo
isagana eey barbar socotey maxkamadda qaadigu oo dabaqeysay shareecadda
islaamka
Wakhtigii xorriyadda midowgii labaddii dhinac
ee soomaaliya ee ay kala gumeey san jireen
dowladahii talyaaniga iyo ingiriisku kadib markii dastuurkii soomaliya lagu ansixiyay afti
dadweeyne waxaa halkaas laga amba qaaday sidii loo sameeyn lahaa xeerka
ciqaabta soomaaliyeed (codice penale somalo ), xeerka habka ciqaabta soomaliyeed
(procedure penale somalo ) iyo nidaamka
garsoorka soomaliyeed (ordinamento guidiziono somalo), waxaa xukuumaddii
soomaliyeed ee wakhtigaasi xeerka ciqaabta soomaliyeed u magacowday guddi khaas ah ee farsamo (un speciale comitaton
tecnico ) oo soo diyaarisa ee uu madax u ahaa RENATO ANGELONI oo dhalashadiisu
aheeyd talyaani ee ahaan jiray la_taliyaha sharciga iyo xeer dajnta ee
maamulkii talyaaniga ee soomaliya (ex Italian Somalia ) xorriyadda ka hor ahaa
,kadibna ahaa xubin maxkamadda sare (magistrato della corte suprema wax kadhigi
jiray jaamacadda muqdisho (prefessore dell’istituto universario
dimugdiscio)gaar ahaa maadooyinka xeerka guud (diritto amministrattivo ) guddoomiyihii gudiga
farsamadda ee xeerka ciqaabta soomaaliyeed (president del comitato tecnico per
la codificazione penal e) iyo xeerar kale oo hadda soomaaliya ku dhaqanto .
Waxaa kaloo la magacaabay wakhtigaas guddi xeer dejin ee uu guddoomiye
u ahaa wasiirkii garsoorka iyo caddaaladda ee ka koobnaa xildhibaano (parlamentari)
iyo khubaro (espeti) eey kamid ahaayeen guddigii farsamada (comitato tecnico )
oo marka hore eega dhameeystirka xeerka
ciqaabta (testo difinitivo ) inta aan loo gudbin golihii xukuumadda ee loo
wakiishay soo saaridda xeerkaan
Dhameeystirkii xeerka ciqaabta soomaliyeed (testo
defintivo ) ee guddigii farsamadda markii
lahordhigay golihii xukuumadda ee loo wakiishay soo saaridiisa waxeey ku
ansixiyeen xeer tirsigiisu ahaa 5 ee soo baxay 16dii disheember 19962dii
Saldhiga assaasiga ah ee xeerka ciqaabta
soomaaliyeed waa mabaadi’da isku dhafka ee laxiriira mowduucyadda dastuurigaa
ah (constituzionali) ee aan labadali Karin ee dustuurka jamhuuriyadda ee dhaqan
galay kaa soo kusaleey san shareecadda islaamka iyo dhaqanka suuban ee
bulshadda soomaaliyeed .
QAANUUNKA
CIQAABTA WAXAA UU JIRSADAY ILAA 16/JUNE/1963DII
WAXAANA
LAGA JOOGAA 53_SANO
XEERKA CIQAABTA SOOMALIYEED WAXAA
UU UQEEYB SANYAHAY SEDAX BUUG WAXAA UUNA KA KOOBAN YAHAY 565_QODOB
1)
BUUGA 1aad waxuu kahadlayaa guud ahaan
danbiyadda (reati in grnerale)__________ 1_183
2)
BUUGA 2aad wuxuu kahadlayaa danbiyadd culus (delittte
in particulare)___________184_504
3)
BUUGA 3aad wuxuu kahadlayaa dabiyadda fudud
(contervenzioni in particulare )____ 504-565
Fadlan walaal ilaali
xuquuqda qoraalka waxaa qoray
Name : Garyaqaan abdirisaq
haji omar
Website:
snulaw.blogspot.com

Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum