taariikhda jaamacadda ummadda somaliyeed(Somali National University history)(لجامعة الوطنية الصومالية)
Waxaa markii
ugu horeysay sanadii 1950 lafuray machad ka sareeya dugsiga sare waxaana
xilligaasi lagu bilaabay kulliyadaha:
Cilmiga siyaasada {political science}
ü Cilmiga maamulka {administration
science}
ü Cilmiga bulshada {social science}.
Sanadku
markuu ahaa 1954 waxaa meesha laga saaray ama lajoojiyey mid kamida sedexdii
kulliyadood ee machadku bixinayey oo ahayd kulliyada cilmiga bulshada{social
science}.
Sanadkii
1956-kii waxaa guud haanba meesha laga saaray labadii kulliyadood ee hartay
taasi oo bixinayey machadka sanadihii xilligaasi ka horeeyey waxaana lagu
badalay laba kulliyadood oo kala ah:
ü Kulliyada qaanuunka {foculty of law}
ü Kulliyada dhaqaalaha {foculty of
economics}.
Waxaa xusid
mudan in kulliyadaha aan kor ku soo xusnay nidaamka barashadoodu ahaa in muddo
labo sano ah {2 years period} lagu qaato gudaha wadankeena somalia halka labo
sano oo kalena lagu soo qaadanayey midkamida labo jaamacadood oo ku yaalay wadanka
talyaaniga {italy} taasi oo ka dhignayd in muddo afar sano ah {period of 4 yrs}
lagu helayey heerka koowaad {1aad} ee tacliinta sare {bachelor decree} wuxuuna
nidaamkaas shaqaynayey sanadihii udhexeeyey
1956-1969 wuxuuna qaabkaas ahaa
kii ugu badnaa ee ay dadkeenii hore xilligaaasi ay wax ku barteen gaarahaan
kuwii heerka jaamacadaha gaaray “sidaas waxaa yiri mudane aadan guuleed shabeel
oo ah gudoomiye ku xigeenka jaamacadda umadda somaaliyeed{somali national
university} ee xilligaan oo aan qoraalkaan oodhan aan ka soo xigtay”.
21-octobar-1969
markii kacaankii uu hogaaminayey
madaxweyne maxamed siyaad barre dalka qabsaday waxay soo saareen sedex iyo
toban qodob{13} oo ay ku jirto in dalku yeesho jaamacad qaran.
Waxaana
usuuragashay dawladii soomaaliya 1-12-1969 oo ku beegnayd afartan maalin{40}
kadib waqtigii ay dalka afganbi aan dhiig ku daadan ay ku qabsatay inay
soosaarto sharci lanbar lix{no,6} kaasi oo si rasmi ah lagu hirgalinayey
jaamacadda umadda soomaaliyeed waxaana xilligaas markii ugu horeysay dhacday
aqoonsi{status} ay yeelato jaamacad soomaaliyeed waxaana lajoojiyey labadii
sanadood ee lagu soo qaadanayey dalka talyaaniga ee ahaa kulliyadaha sharciga
iyo dhaqaalaha oo wixii xilligaas ka horeeyey ahaa kuwa kaliya ee shaqeynayey.
Sanadkii
1972-kii waxaa lagu soo kordhiyey jaamacadda umadda soomaaliyeed kuliyadda
laamaha cilmiga oo ka koobnaa afar kulliyadood{4} oo kala ahaa:
ü Kulliyada kiimikada
ü Kulliyada beeraha
ü Kulliyada xanaanada xoolaha
ü Kulliyada geology.
1990-kii
jaamacada umadda soomaaliyeed waxay gaartay lix iyo toban{16} kulliyadood iyo
todobo{7} xarumood xaruntii ugu yareed waxay ahayd xarunta D/xamarweyne ee
hadda ay jaamacadda ku shaqeyso sidooklena ahayd xaruntii ugu horeysay ee laga
bilaabo jaamacadda umadda.
Nasiibdarro,
waxaa sanadkii 1991 guudahaanba meesha ka baxay adeegii iyo hawlihii muhiimka
ahaa ee jaamacada umadda u haysay bulsha waynta soomaaliyeed maadaama uu dalka
oo dhan uu galay dagaalo sokeeyeyo oo sababay inay lumaan waxyaabihii nolosha
aas’aasiga u ahaa oodhan.
Waxaaa
taariikhda xusaysaa in jaamacdda umadda soomaaliyeed ay udhameystirnaayeen
waxyaabaha ardada ufudeeya waxbaarashada heerka jaamacada sida maktabadaha iyo
sheybaarada.
Tusaaale
ahaan waxaa xarunta gahayr ku yaalay sheybaarkii ugu waynaa wadamada bariga
afrika oodhan kaasi oo lagu baarayey dheecaamaadka guud.
Sanadkii
2012kii waxaa suuragshay in gudoomiyaha jaamacada umadda soomaaliyeed muddo kow
iyo labaatan {21} sano ah kadib loo magacaabo prof maxamed axmed jimcaale .
2013kii
waxaa usuura gashay inay helaan gudiga jaamacadda xafiis ay ku shaqeeyaan inta
ay socotay hawlaha dayactirka jaamacadda umadda soomaaliyeed gaarahaan qeybta
xamar weyne oo hadda ah xarunta kaliya ee ka shaqaysa xarumihii ay lahayd
jaamacadda waxayna ka koobantahay xaruntaan todobo iyo toban{17} galaas oo
balaciisuna gaarayo (8 lagu dhuftay 100).
Ugu
danbeyntii bishii september sanadii 2014kii waxaa sirasmi ah ubilaabatay amba
dib loosoo celiyey shaqadii bulshada soomaaliyeed u heysay jaamacadda umadda
soomaaliyeed muddo 23 sano ah kadib markii ay meesha ka baxday 1991.
Waxaa
sidookale ladayactiray xarun kale waxayna xaruntaas ka koobantahay sideed iyo
afartan{48} galaas iyo xarun maamulka ku shaqeyndoono iyo waliba hoolal waaweyn
balaceedana wuxuu gaaraya(1400 lagu dhuftay 470.
Waxaa hubaal
ah in dadka soomaaliyeed ee waxbarasho la,aanta wadooyinka haysato ay ka bixi
doonaan waa hadii jaamacadda umadda soomaaliyeed ushaqeyso sidii loogu
talagalay oo dadka soomaaliyeed ay usimanyihiin meelkastoo ay ku noolyihiin.
Waxaan ummahad’celinayaa Dhamaan Maamulkii Jaamacadda Dib uyagleelay ee uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Ah madaxweeynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya iyo Dhamaan Maamulka iyo Macalimiintii Usoo dhabar adeegtay Jaamacadda
Waxaa qoray tafaftirayna :””sharciyaqaan “Abdirizak Haji Omar Ibrahim ”



Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum