taariikhda jaamacadda ummadda somaliyeed(Somali National University history)(لجامعة الوطنية الصومالية‎‎)

                                    



  • Taariikhda iyo halka ay ka soo bilaabatay jaamacadda umadda soomaaliyeed.
 












Waxaa markii ugu horeysay sanadii 1950 lafuray machad ka sareeya dugsiga sare waxaana xilligaasi lagu bilaabay kulliyadaha:
Cilmiga siyaasada {political science}
ü      Cilmiga maamulka {administration science}
ü       Cilmiga bulshada {social science}.
Sanadku markuu ahaa 1954 waxaa meesha laga saaray ama lajoojiyey mid kamida sedexdii kulliyadood ee machadku bixinayey oo ahayd kulliyada cilmiga bulshada{social science}.
Sanadkii 1956-kii waxaa guud haanba meesha laga saaray labadii kulliyadood ee hartay taasi oo bixinayey machadka sanadihii xilligaasi ka horeeyey waxaana lagu badalay laba kulliyadood oo kala ah:

ü            Kulliyada qaanuunka {foculty of law}
ü            Kulliyada dhaqaalaha {foculty of economics}.
Waxaa xusid mudan in kulliyadaha aan kor ku soo xusnay nidaamka barashadoodu ahaa in muddo labo sano ah {2 years period} lagu qaato gudaha wadankeena somalia halka labo sano oo kalena lagu soo qaadanayey midkamida labo jaamacadood oo ku yaalay wadanka talyaaniga {italy} taasi oo ka dhignayd in muddo afar sano ah {period of 4 yrs} lagu helayey heerka koowaad {1aad} ee tacliinta sare {bachelor decree} wuxuuna nidaamkaas shaqaynayey sanadihii udhexeeyey  1956-1969  wuxuuna qaabkaas ahaa kii ugu badnaa ee ay dadkeenii hore xilligaaasi ay wax ku barteen gaarahaan kuwii heerka jaamacadaha gaaray “sidaas waxaa yiri mudane aadan guuleed shabeel oo ah gudoomiye ku xigeenka jaamacadda umadda somaaliyeed{somali national university} ee xilligaan oo aan qoraalkaan oodhan aan ka soo xigtay”.
21-octobar-1969 markii kacaankii  uu hogaaminayey madaxweyne maxamed siyaad barre dalka qabsaday waxay soo saareen sedex iyo toban qodob{13} oo ay ku jirto in dalku yeesho jaamacad qaran.
Waxaana usuuragashay dawladii soomaaliya 1-12-1969 oo ku beegnayd afartan maalin{40} kadib waqtigii ay dalka afganbi aan dhiig ku daadan ay ku qabsatay inay soosaarto sharci lanbar lix{no,6} kaasi oo si rasmi ah lagu hirgalinayey jaamacadda umadda soomaaliyeed waxaana xilligaas markii ugu horeysay dhacday aqoonsi{status} ay yeelato jaamacad soomaaliyeed waxaana lajoojiyey labadii sanadood ee lagu soo qaadanayey dalka talyaaniga ee ahaa kulliyadaha sharciga iyo dhaqaalaha oo wixii xilligaas ka horeeyey ahaa kuwa kaliya ee shaqeynayey.
Sanadkii 1972-kii waxaa lagu soo kordhiyey jaamacadda umadda soomaaliyeed kuliyadda laamaha cilmiga oo ka koobnaa afar kulliyadood{4} oo kala ahaa:
ü Kulliyada kiimikada
ü Kulliyada beeraha
ü Kulliyada xanaanada xoolaha
ü Kulliyada geology.
1990-kii jaamacada umadda soomaaliyeed waxay gaartay lix iyo toban{16} kulliyadood iyo todobo{7} xarumood xaruntii ugu yareed waxay ahayd xarunta D/xamarweyne ee hadda ay jaamacadda ku shaqeyso sidooklena ahayd xaruntii ugu horeysay ee laga bilaabo jaamacadda umadda.
Nasiibdarro, waxaa sanadkii 1991 guudahaanba meesha ka baxay adeegii iyo hawlihii muhiimka ahaa ee jaamacada umadda u haysay bulsha waynta soomaaliyeed maadaama uu dalka oo dhan uu galay dagaalo sokeeyeyo oo sababay inay lumaan waxyaabihii nolosha aas’aasiga u ahaa oodhan.
Waxaaa taariikhda xusaysaa in jaamacdda umadda soomaaliyeed ay udhameystirnaayeen waxyaabaha ardada ufudeeya waxbaarashada heerka jaamacada sida maktabadaha iyo sheybaarada.
Tusaaale ahaan waxaa xarunta gahayr ku yaalay sheybaarkii ugu waynaa wadamada bariga afrika oodhan kaasi oo lagu baarayey dheecaamaadka guud.
Sanadkii 2012kii waxaa suuragshay in gudoomiyaha jaamacada umadda soomaaliyeed muddo kow iyo labaatan {21} sano ah kadib loo magacaabo prof maxamed axmed jimcaale .
2013kii waxaa usuura gashay inay helaan gudiga jaamacadda xafiis ay ku shaqeeyaan inta ay socotay hawlaha dayactirka jaamacadda umadda soomaaliyeed gaarahaan qeybta xamar weyne oo hadda ah xarunta kaliya ee ka shaqaysa xarumihii ay lahayd jaamacadda waxayna ka koobantahay xaruntaan todobo iyo toban{17} galaas oo balaciisuna gaarayo (8 lagu dhuftay 100).
Ugu danbeyntii bishii september sanadii 2014kii waxaa sirasmi ah ubilaabatay amba dib loosoo celiyey shaqadii bulshada soomaaliyeed u heysay jaamacadda umadda soomaaliyeed muddo 23 sano ah kadib markii ay meesha ka baxday 1991.
Waxaa sidookale ladayactiray xarun kale waxayna xaruntaas ka koobantahay sideed iyo afartan{48} galaas iyo xarun maamulka ku shaqeyndoono iyo waliba hoolal waaweyn balaceedana wuxuu gaaraya(1400 lagu dhuftay 470.
Waxaa hubaal ah in dadka soomaaliyeed ee waxbarasho la,aanta wadooyinka haysato ay ka bixi doonaan waa hadii jaamacadda umadda soomaaliyeed ushaqeyso sidii loogu talagalay oo dadka soomaaliyeed ay usimanyihiin meelkastoo ay ku noolyihiin.
Waxaan ummahad’celinayaa Dhamaan Maamulkii Jaamacadda Dib uyagleelay ee uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Ah madaxweeynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya iyo Dhamaan Maamulka iyo Macalimiintii Usoo dhabar adeegtay Jaamacadda 
  Waxaa qoray tafaftirayna  :””sharciyaqaan “Abdirizak Haji Omar Ibrahim 

Comments

Popular posts from this blog

Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed

Cont Law No. 28 of 22 December 1962 Somali Citizenship  

Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis: