Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed
Tiirarka Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (X.C.S.) waxa uu ku dhisan yahay saddex tiir oo waaweyn oo ay culimada qaanuunka ku saleeyaan ciqaabta iyo mas’uuliyadda qofka la xiriirta. Saddexda tiir waa: 1. Tiirka Maadiga ah (السلوك) Tiirkan wuxuu la xiriiraa habdhaqanka ama ficilka qofka ee la xiriira denbiga. Waxa uu leeyahay saddex qaybood: a) Ficilka (سلوك): Waa in la helo ficil muuqda oo la xiriira denbiga. b) Natiijo (الضرر): Waa in falkaas uu horseeday natiijo ama dhibaato muuqata. c) Xiriirka Sababta iyo Natiijada (العلاقة السببية): Waa in uu jiro xiriir sabab iyo natiijo oo ka dhexeeya ficilka iyo dhibka ka dhashay. Qodobka 21 ee X.C.S. ayaa si gaar ah uga hadlaya xiriirkan. Culimada qaanuunka waxay ku tilmaamaan in “sababta kaliya ee kufilan” ay tahay mabda’ uu qabo qaanuunka Soomaaliyeed. 2. Tiirka Macnawiga ah (معنوي/نفساني) Tiirkan wuxuu diiradda saaraya xaaladda maskaxda qofka iyo rabitaankiisa marka uu sameynayo ficilka. ...
Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum