camal wanaag san iskaa wax uqabso
Dhabtii, in bulsho inta ay iskaa-wax uqabso iskugu qaylo dhaantaan ku hirgaliyaan homigoodu ma aha mid cajab ku noqon karta qofkasta oo nool wakhtiyadan dambe, bal se waa ba dareen soo jireen ah bulshooyin badan oo dunidan soo guud marayna ay ku soo caano maaleen kagana libin gaadheen hadba wakhtiga iyo waayaha ay ku jireen.
Iskaa waxa u qabso micno ahaan iyo murti ahaanba waa aaminaadda awooddaada iyo kartidaad u leedahay hirgalinta hammigaaga. Waa ku tashiga, ku qancida, ku faanidda iyo isticmaalka cududdaada gaarka ah ee Eebbe wayni kugu mannaystay.
Iskaa wax u qabso waa dariiq iyo dhabo la hubo in ay horumarka iyo hore u socodka sabab u tahay.
Sida ay waayuhu ina bareen, waxay bulshooyin badani kaga badbaadeen ku kufidda turaanturrooyinka iyo turxaamaha ay noloshu soo hor dhigayso hayaanka ay ugu jiraan muujinta jiritaankooda iyo rumaynta dadnimada sugan ku dhaqanka dareenka iyo mabda’a iskaa- waxa uqabso.
Diinta Islamka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee soomaliyeed waxa ku xusan milgaha iyo sharafta dareenka iskaa-wax uqabso. Eebbe waynena wuxuuba caawinta iyo garabgalka addoomihiisa shuruud uga dhigay isku-tashiga,isgarabgalka iyo iscudud biirsiga ay hadba la yimaaddaan addoomihiisu.


Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum