Waa maxay qaanuun?

















Waa maxay qaanuun?



Waa maxay qaanuun?

waxaan qeexidoon ereyga qaanuun halka uu kasoo jeedo asal ahaan iyo macnihiisa
Qaanuun; asalkiisu waxa uu ka yimid Laatiin, Faransiiska iyo Giriigga
Afka French waxa uu ku yahay Canōn, sidoo kale  Giriiguna eey uyaqaanaan  Kanon.
hadii lamicneeyo ereyada kala ah  Canōn,Kanon, iyo Qaanuun; waa Xeer, ama Nidaam eey degsadeen bulsho meel kuwada nool, soomaali ahaan  qaanuun ama qeynuun macnaha ugu horreeya ee lasoo xasuusanayo waa: “nidaam kala haga ama kala maareeya xariirka ka dhaxeeya bulsho meel ku wada nool, iyada oo ciddi ka hor timaadana muteysaneyso ciqaab’’
Qaanuunku/sharcigu waa xeerar bulsho dhigato dhexdeed, kuna heshiisay oo ay isku maamusho . sharcigu waa xeerar xadeeya xumaha, qeexa xaqa muwaadinka, waajibaad fara, horumarkana u jideeya waxa soo rogta fulisa na sharcigaas . Sharcigu waa shareeraha sharka. Sharcigu waa tilmaamaha toosiyaha bulshada. Taageeraha dadka tabaalaysan ee tacdarraysan.
Maadaama qaanuunku yahay hagaha, hagaajiyaha iyo habeeyaha dhaqanka bini`aadamka, barashadiisu waxay bilaysaa dhaqanka iyo asluubta
Sharcigu waa laambad iftiimaysa, haddii sida uu yahay loogu dhaqmo

Ilaha ay ka soo farcamaan shuruucda dalka lagu maamulo waxay yihiin:-
•Shareecada Islaamka sharci aan waafaqsaneey lama soosari karo hadii lasoo saaro waxaa uu noqonaya waxaba kamajiraan 
•Qaanuunka uu dejiyo Barlamaanka oo qodobeeysan sida dustuurka iyo xeerarka dalka 
•Xeer dhaqameedkii hore ee Soomaalidi  kaasoo eey kuxalin jireen dhamaan gartooda


W/D: Garyaqaan Abdirizak HAJI Omar  Ibrahim

Comments

Popular posts from this blog

Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed

Cont Law No. 28 of 22 December 1962 Somali Citizenship  

Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis: