The Objective Element of the Offense in Somalia (Qaybta Maaddiga ah ee Dambiga – Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed)
The Objective Element of the Offense in Somalia
(Qaybta Maaddiga ah ee Dambiga – Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed)
Hordhac
Qaybta maaddiga ah (objective element) ee dambigu waxay ka kooban tahay waxqabad ama ka-omission (conduct) oo bini’aadam sameeyo, kaas oo keena natiijo (event) sharciyaddu ku xidhay ciqaab. Sidaas awgeed, falka bani’aadamka keliya ma aha wax ku filan, balse waxaa lagama maarmaan ah inuu keeno natiijo (tusaale: dhimashada qof falka dilka). Inta u dhexeysa conduct iyo event waa in jiro xiriir sababeed (causality).
Qaybaha ka kooban Objective Element
Qodobadan waxaa lagu qeexay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, gaar ahaan:
- Qodobka 20 X.C.S. – Ficil iyo dhacdo: xiriirka sababta iyo dhacdada.
- Qodobka 21 X.C.S. – Isku-darka sababo kala duwan.
- Qodobka 22 X.C.S. – Dambiyada ku xiran xaalado gaar ah.
Objective element wuxuu ka kooban yahay shan (5) qodob:
- The Active Subject (Qofka falka sameeya).
- Conduct (Falka / Dhaqanka).
- Object of the Conduct (Ujeeddada falka).
- Event (Dhacdada / Natiijada).
- Causality (Xiriirka sababeed).
1. The Active Subject (Qofka Dembiga sameeya)
- Qofka falka ciqaabta leh sameeya waa qof dabiici ah (natural person).
- Xeerarka qaarkood waxay si gaar ah ugu xiraan qof leh sifo gaar ah:
- Dambi guud (common crimes): qof kasta wuu samayn karaa (e.g. dhac).
- Dambi gaar ah (specific crimes): waxaa samayn kara oo keliya qof leh sifo sharci ah (e.g. hooyada oo keliya ayaa samayn karta infanticide).
- Haddii falka uusan ka imaan qofka sifo leh, dambiga wuu beddelaa noociisa (e.g. infanticide oo qof kale sameeyo wuxuu isu beddelaa murder).
2. Conduct (Falka / Dhaqanka)
- Fal bani’aadan oo sharci muhiim ka dhigayo.
- Laba nooc:
- Action (Ficil): dhaqdhaqaaq jireed oo bannaanka ka muuqda (e.g. weerar).
- Omission (Ka-tagid): ka-gaabinta waxa sharci waajibiyey in la sameeyo.
- Omission crime: ka-tagid waajib gaar ah (e.g. aan gargaarin qof dhaawacmay).
- Commission by omission: fal aan la joojin inkasta oo waajib ahayd (e.g. lifeguard oo aan badbaadin qof badda ku dhimanaya).
Mabda’a maaddiyadda (Principle of materiality): Looma ciqaabi karo qof kaliya niyadiisa iyo damaciisa; falka waa inuu muuqdo bannaanka.
- Crimes of bonded conduct: sharci si cad u qeexay ficilka (e.g. khiyaano).
- Crimes of free conduct: sharci wuxuu qeexay natiijada oo keliya (e.g. dil – muhiimadu waa dhimashada, ficilku wuxuu noqon karaa toogasho, sun, iwm.).
3. The Object of the Conduct (Shayga falka la beegsanayo)
- Waa dan ama xuquuq sharci ilaalinayso.
- Tusaale: Dil → danta la ilaalinayo waa nolosha.
- Tusaale: Dhac → danta la ilaalinayo waa hantida.
4. Event (Dhacdada / Natiijada
- Waa natiijada ka dhalata falka (e.g. dil → dhimashada qofka).
- Mararka qaarkood dambigu kaliya wuxuu ku salaysan yahay fal, event looma baahna (e.g. been-marag).
- Sidaas awgeed, dambiyada waxaa loo kala saaraa:
- Event crimes (dambi leh natiijo, sida dil).
- Conduct crimes (dambi ku filan ficil laftiisa, sida been-marag).
5. Causality (Xiriirka Sababeed)
- Waa xiriirka ka dhexeeya falka iyo natiijada, si dambiga loogu qoro qofka falka sameeyay.
- Xiriirka sababeed waa lagama maarmaan: haddii dhacdada sabab kale ka dhalatay, falka lama ciqaabi karo.
- Waxaa dhici karta xaalado adag:
- Tusaale: Qof dhagax lagu dhufto oo dhaawac fudud qaba, laakiin wuxuu u dhintaa cudur hore (hemophilia).
- Sharcigu wuxuu rabaa in la cadeeyo in falka la sameeyay uu yahay sabab toos ah ama ugu yaraan sabab muhiim ah ee keentay natiijada.
Gunaanad
Qaybta maaddiga ah ee dambigu waa tiirka ugu horreeya ee dhisaya dambiga, waxayna ka kooban tahay: falka (ama ka-tagidda), natiijada, shayga la ilaalinayo, qofka sameeya, iyo xiriirka sababeed. Haddii midkood maqnaado, dambiga sharci ahaan lama dhisi karo.
✍️ Qore: Avv. Abdirizak Haji Omar (Ifiye)
๐ Somali Lawyer | Criminal Law Scholar

Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum