Hordhac ku Saabsan Xeerka Madaniga Gaarka ah – Casharka Labaad
1. Maxaa loola jeedaa Awood Sharci (Legal Capacity)?
Awoodda sharci waxay ka dhigan tahay u-qalmitaanka qof inuu yeesho xuquuq iyo waajibaad. Waxay khuseysaa qofka dabiiciga ah (natural person) iyo qofka sharciyeed (corporate/juristic person).
2. Farqiga u dhexeeya Awood Sharci iyo Awoodda Fulinta Xuquuqda
- Awood Sharci: Waa xaqa iyo u-qalmitaanka xuquuq iyo waajibaad, qofka dabiiciga iyo kan sharciyeed labadaba.
- Awood Fulineed: Waa awoodda qofka uu u leeyahay inuu sameeyo ficillo sharci ah oo sax ah, sida heshiisyo iyo macaamil sharciyeed.
3. Farqiga u dhexeeya Qof Dabiici ah iyo Qof Sharciyeed
- Qof Dabiici ah: Waa bani’aadamka uu sharcigu u aqoonsaday inuu yahay qof sharci ahaan leh xuquuq iyo waajibaad.
- Qof Sharciyeed (Artificial Person): Waa dhisme sharci ah oo sharciga lagu abuuro, sida shirkad ama urur, lehna jiritaan sharciyeed ka madax bannaan xubnaha ka kooban.
4. Macnaha “Incapacity” iyo noocyadiisa
- Awood-darro Dabiici ah: Waa xaalad qofka ka qaadaysa awoodda uu u leeyahay inuu sameeyo doonis sharci ah.
Tusaale: xanuun maskaxeed, xadgudub nafsaani ah, xanaaq xad-dhaaf ah, ama xaalad kale oo ka dhigta qofka inuusan go’aan qaadan karin.
5. Sidee loo helaa ama loo waayaa Awood Sharci?
- Helid: Awoodda sharci waxay ka bilaabataa dhalashada, marka ilmuhu neefsado xitaa ilbiriqsiyo.
- Lumid: Waxay ku dhammaataa dhimashada jir ahaaneed. Waxaa kaloo lagu lumin karaa xannibaad sharci (sida musalafnimo, luminta xuquuq siyaasadeed – “civil death”).
6. Muhiimadda Hoyga iyo Degaanku (Residence & Domicile)
- Hoygu wuxuu muhiim u yahay dejinta halka qof ama shirkad sharci ahaan laga helo.
- Dukumiintiyo rasmi ah ayaa inta badan loo gudbiyaa halka qofka ama ururku ku deggan yahay, taas oo sidoo kale qeexda goobta uu ka maareeyo arrimihiisa.
7. Noocyada Ka-reebista (Disqualifications)
Ka-reebistu waxay noqon kartaa:
- Sharci (legal): si toos ah sharciga looga soo qaatay.
- Garsoor (judicial): Maxkamad ayaa xukunta.
8. Xuquuqda Aasaasiga ah ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah dammaanad qaaday
- Xorriyadda hadalka.
- Xorriyadda ururka.
- Xorriyadda hoyga.
- Xorriyadda isu-soo-baxa.
- Xorriyadda isgaarsiinta.
9. Helidda iyo Lumidda Jinsiyadda Soomaaliyeed
- Helid: Waxaa lagu helaa dhalasho (by law) ama la siiyo (by grant).
- Lumid: Waxaa lagu lumin karaa haddii lagu helay khiyaano, been abuur, qarin xaqiiqooyin muhiim ah, ama haddii qofka lagu xukumo xabsi muddo dheer (ugu yaraan 5 sano).
10. Qodobka 52aad ee Xeerka Madaniga Soomaaliyeed (Xeerka Madaniga)
Waxay qeexaysaa hay’ado iyo ururo leh xaquuq sharci gaar ah:
- Ururada dhaqanka iyo cilmiga.
- Ururada samafalka iyo caafimaadka.
- Shirkadaha ganacsiga.
- Xisbiyada siyaasadeed iyo ururada shaqaalaha.
- Gobolka, dawlad hoose, iyo adeeg bixiyaal madaxbannaan.
11. Farqiga u dhexeeya Urur (Association) iyo Aasaas (Foundation)
- Urur: Ku saleysan yahay xubno iyo shaqsiyaad (tusaale: urur macallimiin).
- Aasaas: Ku saleysan yahay hanti (tusaale: lacag loogu talagalay bukaanka iyo isbitaalka).
12. Urur La Aqoonsan Yahay iyo Mid Aan La Aqoonsan
- La Aqoonsan Yahay: Waxaa loo aqoonsaday qof sharciyeed oo leh madax-bannaani maaliyadeed.
- Aan La Aqoonsan: Ma laha shakhsiyad sharciyeed, mana noqon karaan hay’ado madax-bannaan.
13. Qodobada Shuruudaha Lagu Darayo Axdiga Urur
- Magaca ururka.
- Ujeeddooyinka.
- Hantida.
- Cinwaanka xarunta dhexe.
- Xeerarka maamulka iyo gudaha.
14. Awoodaha Shirka Xubnaha Urur
- Ansixinta miisaaniyadda.
- Tilmaamidda maamulka iyo xil gudashada.
- Wax-ka-beddelka axdiga iyo xeerarka.
- Go’aaminta kala dirista ururka.
15. Go’aannada Shirka Xubnaha Urur sidee loo burin karaa?
Waxaa lagu burin karaa haddii:
- Ay khilaafaan sharciga ama axdiga ururka.
- Maxkamad dalab kaga yimaado maamulka ururka, xeer-ilaaliyaha guud, ama cid saddexaad oo dhibaato ka heshay go’aannadaas.
✍️ Waxaa qoray: Avv. Abdirizak Haji Omar Ibrahim (Ifiye

Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum