Hordhac ku Saabsan Xeerka Madaniga Gaarka ah – Casharka Labaad


1. Maxaa loola jeedaa Awood Sharci (Legal Capacity)?



Awoodda sharci waxay ka dhigan tahay u-qalmitaanka qof inuu yeesho xuquuq iyo waajibaad. Waxay khuseysaa qofka dabiiciga ah (natural person) iyo qofka sharciyeed (corporate/juristic person).

2. Farqiga u dhexeeya Awood Sharci iyo Awoodda Fulinta Xuquuqda

  • Awood Sharci: Waa xaqa iyo u-qalmitaanka xuquuq iyo waajibaad, qofka dabiiciga iyo kan sharciyeed labadaba.
  • Awood Fulineed: Waa awoodda qofka uu u leeyahay inuu sameeyo ficillo sharci ah oo sax ah, sida heshiisyo iyo macaamil sharciyeed.


3. Farqiga u dhexeeya Qof Dabiici ah iyo Qof Sharciyeed

  • Qof Dabiici ah: Waa bani’aadamka uu sharcigu u aqoonsaday inuu yahay qof sharci ahaan leh xuquuq iyo waajibaad.
  • Qof Sharciyeed (Artificial Person): Waa dhisme sharci ah oo sharciga lagu abuuro, sida shirkad ama urur, lehna jiritaan sharciyeed ka madax bannaan xubnaha ka kooban.

4. Macnaha “Incapacity” iyo noocyadiisa

  • Awood-darro Dabiici ah: Waa xaalad qofka ka qaadaysa awoodda uu u leeyahay inuu sameeyo doonis sharci ah.
    Tusaale: xanuun maskaxeed, xadgudub nafsaani ah, xanaaq xad-dhaaf ah, ama xaalad kale oo ka dhigta qofka inuusan go’aan qaadan karin.

5. Sidee loo helaa ama loo waayaa Awood Sharci?

  • Helid: Awoodda sharci waxay ka bilaabataa dhalashada, marka ilmuhu neefsado xitaa ilbiriqsiyo.
  • Lumid: Waxay ku dhammaataa dhimashada jir ahaaneed. Waxaa kaloo lagu lumin karaa xannibaad sharci (sida musalafnimo, luminta xuquuq siyaasadeed – “civil death”).

6. Muhiimadda Hoyga iyo Degaanku (Residence & Domicile)

  • Hoygu wuxuu muhiim u yahay dejinta halka qof ama shirkad sharci ahaan laga helo.
  • Dukumiintiyo rasmi ah ayaa inta badan loo gudbiyaa halka qofka ama ururku ku deggan yahay, taas oo sidoo kale qeexda goobta uu ka maareeyo arrimihiisa.

7. Noocyada Ka-reebista (Disqualifications)

Ka-reebistu waxay noqon kartaa:

  • Sharci (legal): si toos ah sharciga looga soo qaatay.
  • Garsoor (judicial): Maxkamad ayaa xukunta.

8. Xuquuqda Aasaasiga ah ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah dammaanad qaaday

  1. Xorriyadda hadalka.
  2. Xorriyadda ururka.
  3. Xorriyadda hoyga.
  4. Xorriyadda isu-soo-baxa.
  5. Xorriyadda isgaarsiinta.

9. Helidda iyo Lumidda Jinsiyadda Soomaaliyeed

  • Helid: Waxaa lagu helaa dhalasho (by law) ama la siiyo (by grant).
  • Lumid: Waxaa lagu lumin karaa haddii lagu helay khiyaano, been abuur, qarin xaqiiqooyin muhiim ah, ama haddii qofka lagu xukumo xabsi muddo dheer (ugu yaraan 5 sano).

10. Qodobka 52aad ee Xeerka Madaniga Soomaaliyeed (Xeerka Madaniga)

Waxay qeexaysaa hay’ado iyo ururo leh xaquuq sharci gaar ah:

  • Ururada dhaqanka iyo cilmiga.
  • Ururada samafalka iyo caafimaadka.
  • Shirkadaha ganacsiga.
  • Xisbiyada siyaasadeed iyo ururada shaqaalaha.
  • Gobolka, dawlad hoose, iyo adeeg bixiyaal madaxbannaan.

11. Farqiga u dhexeeya Urur (Association) iyo Aasaas (Foundation)

  • Urur: Ku saleysan yahay xubno iyo shaqsiyaad (tusaale: urur macallimiin).
  • Aasaas: Ku saleysan yahay hanti (tusaale: lacag loogu talagalay bukaanka iyo isbitaalka).

12. Urur La Aqoonsan Yahay iyo Mid Aan La Aqoonsan

  • La Aqoonsan Yahay: Waxaa loo aqoonsaday qof sharciyeed oo leh madax-bannaani maaliyadeed.
  • Aan La Aqoonsan: Ma laha shakhsiyad sharciyeed, mana noqon karaan hay’ado madax-bannaan.

13. Qodobada Shuruudaha Lagu Darayo Axdiga Urur

  • Magaca ururka.
  • Ujeeddooyinka.
  • Hantida.
  • Cinwaanka xarunta dhexe.
  • Xeerarka maamulka iyo gudaha.

14. Awoodaha Shirka Xubnaha Urur

  • Ansixinta miisaaniyadda.
  • Tilmaamidda maamulka iyo xil gudashada.
  • Wax-ka-beddelka axdiga iyo xeerarka.
  • Go’aaminta kala dirista ururka.

15. Go’aannada Shirka Xubnaha Urur sidee loo burin karaa?

Waxaa lagu burin karaa haddii:

  • Ay khilaafaan sharciga ama axdiga ururka.
  • Maxkamad dalab kaga yimaado maamulka ururka, xeer-ilaaliyaha guud, ama cid saddexaad oo dhibaato ka heshay go’aannadaas.

✍️ Waxaa qoray: Avv. Abdirizak Haji Omar Ibrahim (Ifiye


Comments

Popular posts from this blog

Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed

Cont Law No. 28 of 22 December 1962 Somali Citizenship  

Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis: