Cutubka 2aad: Waajibka nuucyadiisa waawayn(The main types of obligation)



Cutubka 2aad: Waajibka nuucyadiisa waawayn(The main types of obligation)
Waajibaadka waawayn ee ka dhasho xiriirada sharci  ee dhaxmaro dhinacyada waxaa ay noqonkaraan sida soo socoto:
Section one:
1-waajib ay wada galaan dad badan.( Le Obbligazione con pluralita' di soggetti). The Obligations with the plurality 'subjects
dadka guntay xiriirka waajibka ah (rapporto obbligatorio) ayaa kala leh mowqifyada  ka laasimo  ee kala ah  daynta (Debito) iyo ammaahda ( Credito) ama kala ah  Debitore iyo Creditore.
Marka laga eego dhanka dadka xiriirka waajibka( Aspetto soggettivo Dell' obbligazione) waxaa uu leeyahay labo mabda' dabeecaddiisa saldhig u ah, kuwaasoo kala ah:
A- Mabda' labaalaha ah ( principio della dualita dei soggetti)( principle of the duality subjects) oo macneheedu yahay in xiriirku dhexmaro laba qof oo kala duwan, kuwaasoo leh dano iska horimaanayo,
B- Mabda'a kale waa inay dhinacyadu yihiinkuwo macayiman ama la cayimikaro marka uu dhalanayo xiriirku sharci ( principio di determinatezza dei soggetti), haddii si kale loo yiraahdo waa in asal ahaan la yaqaanno yaa ah dayn-qabe iyo yaa ah daynle ama uu  jirto qaab lagu ogaado ama lagu ogaankaro oo hore la iskula gartay.
2- Waajib qaybeed( Obbligazione Parziaria).
Waa xiriir waajib oo ay dhalashadiisa ka qayb qaateen ama ka qaybgaleen dad badan hasa yeeshee qof kastoo ka mid ah ka qaybgalayaasha lagu leeyahay qayb waajibkaka mid ah oo ay lagama maarmaan tahay inuu fuliyo, haddii uu qaybtiisa fuliyane uu ku xuroobayo.
3- Waajin wadareed (Obbligazione Solidale).
waa waajinka guntiddiisa ama dhalintiisa ay ka qaybqaateen dad badan oo isku dhinac ah  kuwaas oo qof kasta oo daynlayaasha  ka mid ah uu xaq u leeyahay inuu waydiisto in loo fuliyo waajibka dhammaantiis, daynqabuhuna uu ku noqonayo mid gutay waajibkiisii hadduu qof ka mid ah daynlayaasha u guto, waxaana lagu magacaabaa ( active Solidarity).
haddii dayn-qabayaasha ay saaran tahay waajib ah mid kasta oo la waydiisto inuu u guto daynlaha dhammaan wax qabadkii laga rabay dayn-qabayaasha, ayadana waxaa lagu magacaabaa (passive Solidarity).


Shuruudaha Waajib-wadareedka waa:
a)- Waa in labada dhinac oo guntay xiriirka waajibka ay noqdaan labaduba dad badan (pluralita' di soggetti) oo loola jeedo dayn-qabayaal (piu debitori o Solidarieta' passiva) ama daynlayaal (piu creditori o Solidarieta' attiva).
b)- inuu waxqabadku ama hab-dhaqanku yahay hal mid( only one prestation),
C) - Waajib-wadareedka waxaa lagu dhisaa xiriir sharciyeed leh waajib guntimo badan (pluralita'di vincoli obbligatori) oo ay ka qaybgaleen dad badan labada dhinacba ( Soggetti attivi o passivi)  xiriirkaasoo ka yimid ama kam dhashay isla hal fal qaanuuneed( derivano dal messimo fatto giuridico) falkaas oo leh sabab iyo nuxur isku mid ah ( uguale causa e uguale contenuto).
Shaqaynta waajib-wadareed (Funzione della solidarieta').
waajib wadareedka dhinaca daynlayaasha ( Solidarieta' attiva) waxay fududaynaysaa isticmaalka xaqa waydiisashada daynta inuu yeelan karo mid ka mid ah daynlayaasha inuu dalbo in loo qabto dhamman waxqabadkii  loo guntay xiriirka, haddii dayqabayaasha midkood la waydiisto fulinta howshii ka dhalatay xiriirka waajibka, isla markaasna uu daynqabahaasi bixiyo,  dadkii kale ee daynta wax ku lahaa ma waydiisan karaan mar kale mid ka mid ah daynqabayaasha, isla markaana waxaa ku xuroobayo  daynqayaashii kale.
waxaa uu u shaqeeyaa xiriirka waajibka noocan ah sidii dammaanad shaqsiyeed (  forma di garanzia personale).
Ilaha waajib-wadareedka (Fonti della Solidarieta')  qod. 276 xm.
Ilaha waajib-wadareedku waxay noqonkaraan sida soo socoto:
1- Isha waajib-wadareedka aktiifka (Fonti Dello Solidarieta' Attiva)
ilaha ka imaankaro waajib-wadareedka qaybta aktiifka ah waa rabitaanka dhinacyada (Volonta' delle parti) ama sharciga,
2- Isha waajib- wadareedka basiifka ah ( Passiva).
Isha waajib- wadareedka basiifka ah  ee ka dhasho xiriirka waajibka dadka qaybta ka ah  lama malaynkaro xeer-dajiyihu waxaa uu si cad u sheegay in  aan la malaynkarin dhinacyada waajib wadareedka qod. 276 xm.
3- Dishibiliinka waajib- wadareedka( Disciplina della Solidarieta')
Coodishihu waxaa uu nidaamaiyaa ama tilmaamayaa in waajib-wadareedku leeyahay dishibiliin ballaan oo xeer dajiyuhu ku nidaamiyay arrimahiisa waxayna kala yihiin sida socoto:
A)- Bixinta ( pagamento).
Marka laga hadlayo waajib wadareedka  xiriirka ka dhashay, haddii wax qabadka laga rabay dhinaca daynqabayaasha ( pasive solidarity) uu fuliyo qof ka mid ah ayagu dhammaan waxqabadkii loo galay waajibka, isla markaana uu u fuliyo howshaas qof ka mid ah daynlayaasha (active solidarity) , xiriirkaas sharci waxaa uu noqonayaa mid la fuliyay ujeeddadii laga lahaa, mana jirto cid kale oo waydiisankarto ama la waydiisakaro fulintiisa mar kale.
Gudashada waxqabadka waajibka (Prestation) waxaa uu ku imaankaraa laba siyood oo kala ah:
1) - In dayn-qabuhu ( Debitore) doorto cidda ama daynlaha ( creditore) uu u gudanayo howsha laga rabay asaga iyo daynqabayaasha kale.
2) - In daynlayaasha mid ka mid ah waydiisto fulinta dhammaan waxqabadkii lag rabay ama xiriirka waajib wadareedka loo guntay. 
Dacwada hanti soo celinta ( Azione di regresso).
Dayn-qabaha ka mid ah daynqabayaasha oo fuliyay ama bixiyay dhammaan wixii uu ku saabsanaa  ama ka dhashay xiriirka waajib-wadareedka, una gutay mid ka mid ah daynlayaasha, waxaa uu xaq u leeyahay inuu waydiisto  inuu mid kasta oo ka mid ah dayn-qabayaasha  u soo celiyo qaybtii kaga aadanayd daynta ama qaybtii lagu lahaa.
Baahin la'aanta  dhibka( The non extention prejudicial factors).
haddii ay dhacdo xaalad sida fal( fatto) ama ijraa'aad (action)  ka dhalatay gudashada waajibka oo dhib uga imaankaro mid ka mid ah daynqabayaasha, dhibtaasi saamaynteedu  uma gudbikaro  kuwa kale oo ay waajib- wadareedka  isku dhinaca ay ka ahaayeen. Sida daahid ka timid hal daynqabe.
baahinta nafciga( Extention of the favorable factors).
Haddii ay dhacdo xaalad dan u ah mid ka mid ah daynqabayaasha oo uu u sameeyay mid ka  ah daynlayaasha waxaa ka wada faa'iidaysano dhammaan daynqabayaasha, sida tanaasul danle u sameeyay mid ka mid ah daynqabayaasha waxaa ay wada gaaraysaa dhammaan daynqayaasha waxayna ka wada xuroobaan waajib-wadareedkii laga sugayay inay fuliyaan.
Dabeecadda qanuuneed ee Waajib-wadareedka( Legal nature of the solidarity obligation).
Dabeecadda qaanuuneedka waajib-wadareed uu leeyahay waxaa laga eegaa xiriirka dhexeeyo dhinacyada gudahooda daynqabayaasha ( Condebitori) iyo daynlayaasha (Concreditori) (Rapport intern) iyo  sidoo kale dhinacyada xiriirkooda dibadda( Rapport esterno).
Marka laga hadlayo xiriirka dibadda ( Rapport esterni) waxaa jirto la aragti oo kala ah:
A) - Aragtida hal ahaashaha guntidda ( tearia dell' unico vicolo) taasoo ah in waajibka yahay hal ( Un unica obbligazione) oo ay dhaliyaan dad badan ( piu soggetti).
B) - Aragtida badnaashaha guntimaha ( tearia della pluralita' di vincoli) taasoo ah mid ka timaado waajibyo badan kuwaasoo uu isku xirayo dan ka dhexeeyso.
Marka laga hadlayo xiriirka gudaha waxaa jira laba aragti oo kala ah:
A) - haddii daynlayasha mid ka mid ah loo fuliyo dhammaan waxqabadka waajibka kuwa kale ma waydiisan karaan mar kale, sidoo kale haddii hal daynqabe bixiyo dhammaan waxqabadka waajibka daynqabayaasha kale waa ka xuroobayaan gudidda waajibka mar kale.
B) - Waxaa ka dhalanayo waajib wadareedka in daynqabaha wada bixiyay dhammaan waxqabadkii uu xaq u leeyahay inuu waydiisto qaybtii kaga soo aaday daynqayaasha kale inay u soo celiyaan ( Azione di regresso), waxaa la mid ah in daynlaha wada qaaday uu u celiyo daynlayaasha kale qaybtoodii.
3- waajibka qaybsamo iyo waajibka aan qaybsamikarin( Ob. divisibli ed indivisibli).
1- waajibyada qaybsamo ( Obbligazioni divisibili).
A)-tacriif iyo dhismo.
·         Tacriifta waajibka qaybsamikaro waxaa lagu dhisaa dooddiisa marka laga doodayo mowduuc ka soo horjeed qodobka 297xm, waxaana uu jiraa waajibka qaybsamo marka waxqabadka waajibku uu yahay muwduuciisu hanti qaybsamikarto dabeecad ahaan ama aysan dhinacyadu ku heshiis inuusan qaybsamikarin.
2- waajibyada aan qaybsamikarin ( indivisible obligations).
Tacriif iyo dabeecad ( Concept ana structure).
Waajibku waa midaan qaybsamikarin marka waxqabadku mowduuciisu yahay shay ama fal ( the perfotmace has a thing or a fact) aan dabeecad ahaan qaybsamikarin ama dhinacyadu  u arkaan inuusan qaybsamikarin.
A)-Qaybsadim la'aantu waxay ka imaankartaa mowduuca ama dadka.
1- Qaybin la'aantu waa mowduuci marka mowduuc waxqabadka haddii la qaybiyo ay waxqabadka qiimihiisu lumayo amauun ku imaanayo hoos u dhac qiimihiisa, tusaale iib neef nool.
2- qaybin la'aantu waxay ka imaankartaa dadka, marka dadka galayo waajibka ay u arkaan inaan la qaybinkarin waxqabadka, xataa haddii dabeecadda shygu uu yahay mid qaybsamkaro isla markaana aan wax u dhimayn gaaridda dantii laga lahaa.
3- nidaaminta ( Discipline).
Qodobka 297xm waxaa uu si cad u nidaaminayaa waajibka aan qaybsamikarin waxaana lagu dabaqayaa nidaamka waajib-wadareedka, asagoo xeerka madanigu ku nidaaminayo qodobka kor ku xusan iyo qodobada ka dambeeyo, waxa uuna waajibku noqonayaa mid aan qaybsamin marka laga helo sababaha soo socdo:
A) Haddii mowduuca waajibku uu yahay shay aan dabeecad aahaan qaybsmaikarin qod.718 xm.
B) - Haddii hadafka ay dhinacyadu u gunteen waajibka ama ay rabaan inay ku gaaraan ay ka dhalaneeyso in aan la qaybinkarin waajinka ama ujeedadoodu ay ahayd inaan la qaybin.
C) - ayadoo la raacayo nidaamka waajib-wadareedka, daynle kastaa waxaa uu xaq u leeyahay inuu waydiistomid ka mid ah daynqayaasha inuu u fuliyo dhammaan waxqabadka waajibka, daynqabaha la waydiistay waxaa ku waajib ah inuu u fuliyo.
Kala duwanaanta waajib-wadareedka iyo waajibka aan qaybsamin.
Labadan waajib waxay ku kala duwan yihiin xagga shaqada (Funzione), waajib-wadareedka hadafkiisu waa inuu fududeeyo bixinta daynta, meesha waajibka aan qaybsamin hadafkiisu yahay ilaalinta(proteggere) mid ahaansha waxqabadka(prestation)
Waajib-wadareedka ujeedadiisa ugu muhiinsan  waa ilaalinta danta daynlayaasha marka waajibka aan qaybsamin uusan lahayn hadafkaas, waxaa loola jeedaa oo kali ah in la siiyo mudnaan daynlaha ( vantaggio).
Kala duwanaanta xagga qaabka( Structure) wajib-wadareedka waxaa uu leeyahay waajibyo badan ( pluralita' di obbligazioni) , meesha waajibka aan qaybsamin uu leeyahay hal waajib( Obbligazione unica).
qaybta labaad(second section) Waajibyada mowduucyada badan( Obligations with plurality of objects) ama waajibadyada mowduuc ahaan cufan( Objectively complex obligations)
Waxaan ka hadlidoonaa waajibaadyada mowduucyadoodu badan yihiin, waxaa ay noqondoonaa ayaga laftoodu kuwa kala duwan, waxaana ku bilaabaynaa midka ugu horeeyo oo ah.
1- Waajib isi saaran ama isku xiran ( Cumulative or joint obligation.
Waxaa laga hadlaa waajibka isi saaran markasta oo ay tahay in daynqabaha ay saaran tahay inuu fuliyo labo waxqabad ama wax ka badan(two or more  prestations) waayo waajibka ayaa nuxurkiisu yahay waxqabadyo badan, ka xuroobidda daynqabuhu waxay ku xiran tahay ama ay imaanaysaa marka uu si buuxdo u guto dhammaan waxqabadyadii la rabay in lagu gaaro xiriirkan, ayada oo ay suurto gal noqokarto in gaar gar loo qabto waxqabadyada ka dhashay xiriir waajibeedka ( Messineo).
2- waajib badiil leh ( alternative obligations).
Qeexid: waajibka la kala doornan karo waxaa uu jiraa marka waajibka waxqabadkiisa lagu tilmaamo labo waxqabad ama wax ka  badan, laakiin daynqabuhu uu ku xuroobayo haddii uu si buuxdo u guto mid ka mid ah labda waxqabad ee mowduuca wajibka qodobka 272 xm.
Ilaha uu ka dhasho
Waajib-badiileedku waxaa  uu ka dhalan karaa rabitaan dhinacyada ama sharciga,sidaas darteed ilaha waajib badiileedku uu ka yimaadaa waa rabitaanka dhinacyada ama sharciga.
Dabeecadda qaanuuneed(  natura giuridica)
marka laga eego xagga dabeecaddiisa qaanuuneed culumada qaanuunka badankoodu waxay qabaan inuu yahay waajibka badiilku mid hal ah oo dhamaystiran, kaasoo leh nuxur aan qayb ahaan  mucayan ahayn, waxa uuna noqonayaa mid la yaqaan marka uu  kala doorto daynqabuhu labada midkood.
kala doorashada ( Facolta' di scelta) qodobka 273xm.
Haddii doorashada ama xulashada mid ka mid ah  waxqabadyada uu leeyahay daynqaha isla markaasna uu ka joogsado inuu fuliyo wixii la rabay ama ay daynqabayaashu isku afgaran waayaan xulashada, daynlaha ayaa waydiisan karo garsooraha inuu xadido waqti uu daynluhu ku sameeyo doorashadiisa ama ay daynqabayaashu ku heshiiyaan doorashada midkii ay u fulin lahaayeen.
Haddii xulashada uu lahaa daynlaha ee uu ka joogsado inuu sameeyo ama daynlayaahsu ku heshiin waayaan doorashada, daynqabuhu waxaa uu waydiisan karaa garsooraha in la xadido waqti haddii ay ku sameey waayaan xaqa doorashadu u gudbayo daynqabaha.
Nidaamka( Disciplina).
a)- Doorashada- Xeerku waxaa uu nidaaminayaa in xaqa kala xulashada labada waxqabad midkood ee waxqabadyada xiriirka waajibka ka dhashayuu leeyahay daynqabahahaddiiaysandhinacyadu ku heshiin inuu leeyahay daynluhu ama qof sadaxaad.
Suurto gal la'aanta fulinta( L' impossibilita' di adempimento).
Haddii uu surto gal noqonwaayo in la fuliyo mid ka mid ah waxqabadka Xeer dajiyuhu waxaa uu kala qaadayaa labo arrimood midkood:
·         Haddii suurto gal la'aanta ay ahayd mid hore,xilligii dhalashada xiriirka waajibka, waajibka waxaa loo qaadanayaa inuu yahay waajibku mid fudud( semplice) laga soo bilaabo markii uu dhashay.
·         Haddii suurto gal la'aantu ku timid waxqabadka la fulinayo ay tahay mid gadaal ka timid daynqabuhu waxaa uu bixinayaa qiimaha mid ka mid ah waxqabadka Qodobka 274xm.
3- Waajib khayaareed( Obbligazione facoltativa) qodobka 275xm.
Tacriif: Waajib khiyaareed waa waaajibka leh hal waxqabad oo kali ah, laakiin daynqabuhu ku xuroobayo haddii uu fuliyo waxqabad ka duwan kii lagu heshiiyay tusaale kiro lagu heshiiyay in lagu bixiyo badeeco, laakiin daynqabuhu ku xuroobayo inuu bixiyo qiima u dhigmo.
Nidaam sharicyeed ( Disciplina giuridica).
·         Dishipiliinkiisu waxaa uu la mid yahay nidaamka waajibka fudud waayo xiriirka waajibku waxaa uu leeyahay hal qaxqabad oo kali ah. Haddii uu waajibka asalka ah uu noqdo mid aan suurto gal ahayn waajibku waa baaba'ayaa.
farqiqa u dhexeeyo waajib badiilka iyo waaajib khiyaareedka
waajibka khiyaareedka (obbligazione facoltativa) waxaa uu ka duwan yahay waajibka doorashada (Obbligazione alternativa) kan dambe waa baajib murakab ah (Complessa) oo loola jeedo in waajib badiileedku leeyahay waxqabad badan (piu prestazioni) meesha waajib khiyaareedku uu yahay waajib fudud (semplice) oo macneheedu yahay inuu leeyahay hal waxqabad (una sola prestazione), waajib badileedka labada waxqabad waa isku heer (le due prestazioni sono sulla stesso piano).
qaybta saddexaad. Waybinta waajibyada marka la eego waxqabadka.(Classification of the obligations respect to the prestation).
waajibaadyada waxaa loo kala qaybiyaa marka laga eego waxqabaka sida soo socoto:
1-waajibaadyada yeelid( iijaabi)( possitive obligations).
waajibaadyada boosatifka ah, waa  waajibaadyada mowduucoodu yahay waxqabad atiifa ah oo laga rabo inuu qabto daynqabuhu, waxayna ku yimaadaan:
a)- waajib wax bixin ah ( obligation to give). waa waajibka wax bixin ama wareejin uu la  socoto  waajib xannaanayn, waajibka xannaanayntu waxaa uu jirayaa  ilaa inta uu daynqabuhu ka wareejinayo shayga ka dhashay waxqabadka waajibka, waajibka xannaanaytu waa waajib raacsan mid asalka ah ( accessory obligation).
b)- waajibka samaynta ( obligation to do), waa waajib mowduuca  waxqabadkiisu yahay samayn kaasoo laga rabo in uu daynqabuhu sameeyo.
C)- waajib isku dhafan (mixed obligation) waa marka waajibka  mowduuciisu yahay waxqabyo isku dhafan oo kala ah ( to give and to do) waxaan ay jiraan waxqabadyada ka   dhashay waajibku noocaan ah.
2-waajib diidmo ( Salbi) (negative obligation).
Waajibka diidmadu waa midka mowduuca waxqabadkiisu yahay diidmo ama daynqabaha xiriirka waajib ee lala  galay uu yahay inuusan samayn habdhaqan ama waxqabad samayn la'aantiisa lagu heshiiyay( negayive attitude or behavior).
Sidaas darteed waajibka diidmadu waa mowduuc waxqabad u jeedadiisu tahay inaysan wax dhicin sida in daynqabaha lagu heshiiyay inuusan wax dhisin.
3- waajib natiijeed iyo waajib wasiileed ( obligation of result and ob. of means).
a)- Waajib natiijeed (Obligation of results)
waa marka mowduuca waxqabadka xiriirka waajibku uusan ahayn oo kali ah xarakaad (activities) ee ay u jeedada waajibku tahay in laga gaaro natiijo ayadoo xaqiijinta waxqabadkaas uu la mid noqonayo fulin buuxda wixii la rabay in lagu gaaro, waxaa loo soo qaadankaraa tusaale dhigid riwaayad (opera) ama heshiis dhismo.
b)- Waajib wasiiladeed.( obligation of means).
·         Waajibka mowduuca waxqabadkiisa looga baaham yahay xirfad iyo dadaal u qalmo ama ku haboon si loo xaqiijiyo wixi lagu heshiiyay, waajib wasiiladeedka waxaa ka mid ah waxqabad laga rabo inuu sameeyo qof xirfadle ah, sida maamule hanti dad kale.
4- Waajib caam ah  iyo Waajib khaas ah ( Generic and specific obligations).
a)- Waaib caam ah
Waajibku waa caam marka mowduuca waxqabdakiisu yahay shay caam ah ama mowduuca waxqabadkiisu yahay qadar macayan ah ( certain amount)oo ah shay ay suurto gal tahay in lagu dabalo wax u dhigma sida shan jawaan oo galay ah.
Waajibka guud daynqabuhu waa inuu ku gutaa wax ka mid ah nuuca laga rabo inuu fuliyo, hasa yeeshee waa in dayada shayguahaadaa  mid aan ka hoosayn tayo dhexdhexaadka ah.
b)-Waajib khaas ah.
Waajibku waa khaas marka mowduuca waxqabadkiisu shay khaas ah, sida faras nuuc gaar ah.
Ahmiyadda qaanuunka ee waajibka caamka (Legal sagnificance of generic obligation).
Qaarka mu'asasaadka qaanuunka waxay qabaan inuu leeyahay waajibka caamka ah muhiimad gaar ah oo ay ka mid tahay : baabi'idda waajibka marka uu waxqabadku noqdo mid aan suurtogal ahayn haddii suurto gal la'aantu tahay mid gadaal ka timid ma saamayso waajibka caamka ah, daynqabaha waxaa laga rabaa ku fuliyo shay nuuciisa ah ( he can pravide things of the same kind), xataa haddii waayo wixii uu gacanta ku hayay.
5- Waajib lacageed (pecuniary or monetary obligation).
Mafhuumka: waxaa la yiraa waajib lacageed marka mowduuca waxqabadka waajibku yahay mablaq lacageed sida qofka iibsado shay waxaa laga rabaa inuu bixiyo qiimihii shayga, sidoo kale qofka qaato lacag dayn ah oo laga rabo inuu celiyo lacagtii uu daynsaday
Mabda'a tireedka ama  magaceedka ( nominalistic principle).
Daynta lacageed waxay ku gudmaysaa marka lagu bixiyo lacagta xilliga la gudanayo mowduuca waxqabadka lacagta sharci ahaan shaqaynaysa isla markaana lagu bixiyo qiimaheeda magaceed ( nominal value), sidaas darteed ayaa xeer-dajiyuhu ku magacaabay (principio nominalistico), waxaa loola jeedaa in daynqabuhu ku gudanayo waxqabadkiisa si waafaqsan inta ay tiro ahaan la  ekeed sidaas darteed ma saameeynayo is badalka qiimaha, daynqabuhu waa inuu ku gutaa waxqabadkiisa intii lagu lahaa xataa qiimaha lacagtu is badal ku yimaado.
Dhaqan- galinta  mabda'a aan kor ku soo sheegnay waxaa loo kala qaadaa laba nuuc:
1- Dayn lacageed ( Debito di valuta or currency debt) waa dayn mowduuca waxqabadku yahay tiro lacageed laga soo bilaabo markuu waajibku dhashay, xaaladdan waxaa lagu dabaqayaa mabda'a nominalistikada ah.
2- Dayn qiimo ah ( value debt) waa dayn mowduuca waxqabadku yahay wax macna dhaqaale leh isla markaan lagu qiimaykaro xalaadda suuqa,  arrintan laguma dabaqikaro mabda'a lagu dabaqay xaaladda koowaad.
waajibka dheefaha  ama danaha ( The obligatin of intersts).
Lacagta ( Currency) kasokoow inay tahay qalabka wax lagu kala badasho,  waxa ay noqonaysaa badeeco wax lag kala iibsado.
Dabeecaddawaajib dheefeedka.
Dabeecadaha waajib dheefeedka waxaa ay kala yihiin:
1)-dabeecadda raacidda ( accessory) waajibka dheeftu waa mid raaco mid ka asalka ah ama kan wayn (main), haddii uu baabo'o kan raacuhuna waa la baaba'ayaa.
2)-dabeecadLacageed ( pecuniary and fungible) mowduuca maslaxadda waajibku waxa uu noqokaraa oo kali ah shay ka fuqikaro oo noqonqyo lacag  ( fungible) waana inuu la mid noqdaa waajibka asalka ah sidaas darteed waajib maslaxadeedku waa waajib lacageed.
3)-Dabeecad Boqolay(percentage)maslaxaddaama dantu waa in ay noqotaa  qiyaasitiisu mid lagu  cabiro boqolay ayadoo loo eegoyao waajibka asalka ah.
4)-Dabeecad waqtiyeed (periodic) waxqabadka dantu ama dheefta daynluhu ka helayo xiriirka sharci, waxaa uu noqonkaraa mid waqtiyaysan oo macneheedu yahay mid la bixiyo waqti mucayan ah kasoo noqonkaro lixdii biloodba ama sannadkiiba mar.
kala qaybinta dheefta marka loo eego isha.
Dheefta ka dhalato waajibka sharciyeed waxaa loo kala qaybiyaa laba nuuc:
1- dheef shaciyeed.dheef sharciyeedka waa midda isheedu ama halka ay ka  dhalatay ay tahay sharciga, waxaana mabaadi'da guud ee sharciga nidaamiyo mucaamalaadka dadku sheegayaa in dayn kasto oo xiddi  lacag cash ah( credit of sums cash),  xiddigeedu cayiman yahay, isla markaana la waydiisan karo fulinteeda oo aan lagu xirin waqti iyo shardi waxaa ay dhalaysaa dheef ( profit),haddii aysan dhinacyadu si ka duwan u nidaamin.
2- Dheef heshiiseed ( conventional interest).waa dheef ka dhalatay rabitaanka dhinacyada, dadka guntayo xiriirka waxaa ay ku heshiikaraan inay xadidaan qiyaas dheefeed ka duwan midda uu sharcigu tilmaamay, haddii ay dhinacyadu ka gaabsaan inay waajibka ku xadidaan waxaa loo laabanayaa sharciga.
kala qaybinta dheefta marka loo eego shaqadiisa. ( function). Dheefta marka loo eego funsuyooneheeda waxaa loo kala qaadaa:
1- Dheefta dib-udhiciodda ( interest for tale).waa dheeftala  daahidda bixinta daynta, waxayna  timaadaa marka lala daaho fulinta waxqabadka waajibka, waxaaay   noqonaysaa mid u dhiganta magdhawga faa'iidadii ka baaqatay oo uu ka helihaa
daynlaha haddii  loogu fuliwaayo waqtigii lagu heshiiyay.
2- Dheefta dulsaarka. waxaa ay ku dhalataa jiritaanka daymaha lacagaha caddaanka ah xataa haddii aan la daahin ama aan la waydiisan daynqabaha bixinteeda ( Corresponding interest).

3- Dheefta cawilcelonta ( compensatory interest). Culumada qaanuunka qaarkood waxaa ay ka hadlaan dheefta cawicelinta oo loola jeedo dheef ka dhalato faa'iidadii ka baaqatay inta aan la fulin waxqabaka lagu heshiiyay ama aan lagu wareejin daynlaha shaygii laga iibiyay.

Comments

Popular posts from this blog

Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed

Cont Law No. 28 of 22 December 1962 Somali Citizenship  

Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis: