Cutubka 2aad: Waajibka nuucyadiisa waawayn(The main types of obligation)
Cutubka
2aad: Waajibka nuucyadiisa waawayn(The main types of obligation)
Waajibaadka waawayn ee
ka dhasho xiriirada sharci ee dhaxmaro
dhinacyada waxaa ay noqonkaraan sida soo socoto:
Section one:
1-waajib ay wada galaan dad badan.( Le Obbligazione con pluralita'
di soggetti). The Obligations with the plurality
'subjects
dadka guntay xiriirka
waajibka ah (rapporto obbligatorio) ayaa kala leh mowqifyada ka laasimo
ee kala ah daynta (Debito) iyo
ammaahda ( Credito) ama kala ah Debitore
iyo Creditore.
Marka laga eego dhanka
dadka xiriirka waajibka( Aspetto soggettivo Dell' obbligazione) waxaa uu
leeyahay labo mabda' dabeecaddiisa saldhig u ah, kuwaasoo kala ah:
A-
Mabda' labaalaha ah ( principio della dualita dei
soggetti)( principle of the duality subjects) oo macneheedu yahay in
xiriirku dhexmaro laba qof oo kala duwan, kuwaasoo leh dano iska horimaanayo,
B-
Mabda'a kale waa inay dhinacyadu yihiinkuwo macayiman ama la cayimikaro
marka uu dhalanayo xiriirku sharci ( principio di determinatezza dei
soggetti), haddii si kale loo yiraahdo waa in asal ahaan la yaqaanno yaa ah
dayn-qabe iyo yaa ah daynle ama uu jirto
qaab lagu ogaado ama lagu ogaankaro oo hore la iskula gartay.
2- Waajib qaybeed(
Obbligazione Parziaria).
Waa xiriir waajib oo ay
dhalashadiisa ka qayb qaateen ama ka qaybgaleen dad badan hasa yeeshee qof
kastoo ka mid ah ka qaybgalayaasha lagu leeyahay qayb waajibkaka mid ah oo ay
lagama maarmaan tahay inuu fuliyo, haddii uu qaybtiisa fuliyane uu ku
xuroobayo.
3- Waajin wadareed
(Obbligazione Solidale).
waa waajinka
guntiddiisa ama dhalintiisa ay ka qaybqaateen dad badan oo isku dhinac ah kuwaas oo qof kasta oo daynlayaasha ka mid ah uu xaq u leeyahay inuu waydiisto in
loo fuliyo waajibka dhammaantiis, daynqabuhuna uu ku noqonayo mid gutay
waajibkiisii hadduu qof ka mid ah daynlayaasha u guto, waxaana lagu magacaabaa
( active Solidarity).
haddii dayn-qabayaasha
ay saaran tahay waajib ah mid kasta oo la waydiisto inuu u guto daynlaha
dhammaan wax qabadkii laga rabay dayn-qabayaasha, ayadana waxaa lagu magacaabaa
(passive Solidarity).
Shuruudaha
Waajib-wadareedka waa:
a)-
Waa in labada dhinac oo guntay xiriirka waajibka ay noqdaan
labaduba dad badan (pluralita' di soggetti) oo loola jeedo dayn-qabayaal (piu
debitori o Solidarieta' passiva) ama daynlayaal (piu creditori o Solidarieta'
attiva).
b)-
inuu waxqabadku ama hab-dhaqanku yahay hal mid( only one prestation),
C)
- Waajib-wadareedka waxaa lagu dhisaa xiriir sharciyeed leh waajib guntimo
badan (pluralita'di vincoli
obbligatori) oo ay ka qaybgaleen dad badan labada dhinacba ( Soggetti attivi o
passivi) xiriirkaasoo ka yimid ama kam
dhashay isla hal fal qaanuuneed( derivano dal messimo fatto giuridico) falkaas
oo leh sabab iyo nuxur isku mid ah ( uguale causa e uguale contenuto).
Shaqaynta
waajib-wadareed (Funzione della solidarieta').
waajib wadareedka
dhinaca daynlayaasha ( Solidarieta' attiva) waxay fududaynaysaa isticmaalka
xaqa waydiisashada daynta inuu yeelan karo mid ka mid ah daynlayaasha inuu
dalbo in loo qabto dhamman waxqabadkii
loo guntay xiriirka, haddii dayqabayaasha midkood la waydiisto fulinta
howshii ka dhalatay xiriirka waajibka, isla markaasna uu daynqabahaasi
bixiyo, dadkii kale ee daynta wax ku
lahaa ma waydiisan karaan mar kale mid ka mid ah daynqabayaasha, isla markaana
waxaa ku xuroobayo daynqayaashii kale.
waxaa uu u shaqeeyaa
xiriirka waajibka noocan ah sidii dammaanad shaqsiyeed ( forma di garanzia personale).
Ilaha waajib-wadareedka
(Fonti della Solidarieta') qod. 276 xm.
Ilaha waajib-wadareedku
waxay noqonkaraan sida soo socoto:
1- Isha
waajib-wadareedka aktiifka (Fonti Dello Solidarieta' Attiva)
ilaha ka imaankaro waajib-wadareedka qaybta aktiifka
ah waa rabitaanka dhinacyada (Volonta' delle parti) ama sharciga,
2- Isha waajib-
wadareedka basiifka ah ( Passiva).
Isha waajib- wadareedka basiifka ah ee ka dhasho xiriirka waajibka dadka qaybta
ka ah lama malaynkaro xeer-dajiyihu
waxaa uu si cad u sheegay in aan la
malaynkarin dhinacyada waajib wadareedka qod. 276 xm.
3- Dishibiliinka
waajib- wadareedka( Disciplina della Solidarieta')
Coodishihu waxaa uu
nidaamaiyaa ama tilmaamayaa in waajib-wadareedku leeyahay dishibiliin ballaan
oo xeer dajiyuhu ku nidaamiyay arrimahiisa waxayna
kala yihiin sida socoto:
A)-
Bixinta ( pagamento).
Marka laga hadlayo
waajib wadareedka xiriirka ka dhashay,
haddii wax qabadka laga rabay dhinaca daynqabayaasha ( pasive solidarity) uu
fuliyo qof ka mid ah ayagu dhammaan waxqabadkii loo galay waajibka, isla
markaana uu u fuliyo howshaas qof ka mid ah daynlayaasha (active solidarity) ,
xiriirkaas sharci waxaa uu noqonayaa mid la fuliyay ujeeddadii laga lahaa, mana
jirto cid kale oo waydiisankarto ama la waydiisakaro fulintiisa mar kale.
Gudashada waxqabadka
waajibka (Prestation) waxaa uu ku imaankaraa laba siyood oo kala ah:
1)
-
In dayn-qabuhu ( Debitore) doorto
cidda ama daynlaha ( creditore) uu u gudanayo howsha laga rabay asaga iyo
daynqabayaasha kale.
2)
- In daynlayaasha mid ka mid ah waydiisto fulinta dhammaan
waxqabadkii lag rabay ama xiriirka waajib wadareedka loo guntay.
Dacwada
hanti soo celinta ( Azione di regresso).
Dayn-qabaha ka mid ah
daynqabayaasha oo fuliyay ama bixiyay dhammaan wixii uu ku saabsanaa ama ka dhashay xiriirka waajib-wadareedka,
una gutay mid ka mid ah daynlayaasha, waxaa uu xaq u leeyahay inuu waydiisto inuu mid kasta oo ka mid ah
dayn-qabayaasha u soo celiyo qaybtii
kaga aadanayd daynta ama qaybtii lagu lahaa.
Baahin la'aanta dhibka( The non extention prejudicial
factors).
haddii ay dhacdo xaalad
sida fal( fatto) ama ijraa'aad (action)
ka dhalatay gudashada waajibka oo dhib uga imaankaro mid ka mid ah
daynqabayaasha, dhibtaasi saamaynteedu
uma gudbikaro kuwa kale oo ay
waajib- wadareedka isku dhinaca ay ka ahaayeen.
Sida daahid ka timid hal daynqabe.
baahinta
nafciga( Extention of the favorable factors).
Haddii ay dhacdo xaalad
dan u ah mid ka mid ah daynqabayaasha oo uu u sameeyay mid ka ah daynlayaasha waxaa ka wada faa'iidaysano
dhammaan daynqabayaasha, sida tanaasul danle u sameeyay mid ka mid ah
daynqabayaasha waxaa ay wada gaaraysaa dhammaan daynqayaasha waxayna ka wada
xuroobaan waajib-wadareedkii laga sugayay inay fuliyaan.
Dabeecadda qanuuneed ee
Waajib-wadareedka( Legal nature of the solidarity obligation).
Dabeecadda qaanuuneedka
waajib-wadareed uu leeyahay waxaa laga eegaa xiriirka dhexeeyo dhinacyada
gudahooda daynqabayaasha ( Condebitori) iyo daynlayaasha (Concreditori)
(Rapport intern) iyo sidoo kale
dhinacyada xiriirkooda dibadda( Rapport esterno).
Marka laga hadlayo
xiriirka dibadda ( Rapport esterni) waxaa
jirto la aragti oo kala ah:
A)
- Aragtida hal ahaashaha guntidda ( tearia dell' unico
vicolo) taasoo ah in waajibka yahay hal ( Un unica obbligazione) oo ay
dhaliyaan dad badan ( piu soggetti).
B)
- Aragtida badnaashaha guntimaha ( tearia della
pluralita' di vincoli) taasoo ah mid ka timaado waajibyo badan kuwaasoo uu isku
xirayo dan ka dhexeeyso.
Marka laga hadlayo
xiriirka gudaha waxaa jira laba aragti
oo kala ah:
A)
- haddii daynlayasha mid ka mid ah loo fuliyo dhammaan
waxqabadka waajibka kuwa kale ma waydiisan karaan mar kale, sidoo kale haddii
hal daynqabe bixiyo dhammaan waxqabadka waajibka daynqabayaasha kale waa ka
xuroobayaan gudidda waajibka mar kale.
B)
- Waxaa ka dhalanayo waajib wadareedka in daynqabaha wada bixiyay
dhammaan waxqabadkii uu xaq u leeyahay inuu waydiisto qaybtii kaga soo aaday
daynqayaasha kale inay u soo celiyaan ( Azione di regresso), waxaa la mid ah in
daynlaha wada qaaday uu u celiyo daynlayaasha kale qaybtoodii.
3- waajibka qaybsamo
iyo waajibka aan qaybsamikarin( Ob. divisibli ed indivisibli).
1- waajibyada qaybsamo
( Obbligazioni divisibili).
A)-tacriif
iyo dhismo.
·
Tacriifta
waajibka
qaybsamikaro waxaa lagu dhisaa dooddiisa marka laga doodayo mowduuc ka soo
horjeed qodobka 297xm, waxaana uu jiraa waajibka qaybsamo marka waxqabadka
waajibku uu yahay muwduuciisu hanti qaybsamikarto dabeecad ahaan ama aysan
dhinacyadu ku heshiis inuusan qaybsamikarin.
2- waajibyada aan
qaybsamikarin ( indivisible obligations).
Tacriif iyo dabeecad (
Concept ana structure).
Waajibku waa midaan
qaybsamikarin marka waxqabadku mowduuciisu yahay shay ama fal ( the perfotmace
has a thing or a fact) aan dabeecad ahaan qaybsamikarin ama dhinacyadu u arkaan inuusan qaybsamikarin.
A)-Qaybsadim la'aantu
waxay ka imaankartaa mowduuca ama dadka.
1-
Qaybin la'aantu waa mowduuci marka mowduuc waxqabadka
haddii la qaybiyo ay waxqabadka qiimihiisu lumayo amauun ku imaanayo hoos u
dhac qiimihiisa, tusaale iib neef nool.
2-
qaybin la'aantu waxay ka imaankartaa dadka, marka dadka galayo
waajibka ay u arkaan inaan la qaybinkarin waxqabadka, xataa haddii dabeecadda
shygu uu yahay mid qaybsamkaro isla markaana aan wax u dhimayn gaaridda dantii
laga lahaa.
3- nidaaminta (
Discipline).
Qodobka 297xm waxaa uu
si cad u nidaaminayaa waajibka aan qaybsamikarin waxaana lagu dabaqayaa
nidaamka waajib-wadareedka, asagoo xeerka madanigu ku nidaaminayo qodobka kor
ku xusan iyo qodobada ka dambeeyo, waxa uuna waajibku noqonayaa mid aan
qaybsamin marka laga helo sababaha soo
socdo:
A) Haddii mowduuca
waajibku uu yahay shay aan dabeecad aahaan qaybsmaikarin qod.718 xm.
B) - Haddii hadafka ay
dhinacyadu u gunteen waajibka ama ay rabaan inay ku gaaraan ay ka dhalaneeyso
in aan la qaybinkarin waajinka ama ujeedadoodu ay ahayd inaan la qaybin.
C) - ayadoo la raacayo
nidaamka waajib-wadareedka, daynle kastaa waxaa uu xaq u leeyahay inuu
waydiistomid ka mid ah daynqayaasha inuu u fuliyo dhammaan waxqabadka waajibka,
daynqabaha la waydiistay waxaa ku waajib ah inuu u fuliyo.
Kala duwanaanta
waajib-wadareedka iyo waajibka aan qaybsamin.
Labadan waajib waxay ku
kala duwan yihiin xagga shaqada (Funzione), waajib-wadareedka hadafkiisu waa
inuu fududeeyo bixinta daynta, meesha waajibka aan qaybsamin hadafkiisu yahay
ilaalinta(proteggere) mid ahaansha waxqabadka(prestation)
Waajib-wadareedka
ujeedadiisa ugu muhiinsan waa ilaalinta
danta daynlayaasha marka waajibka aan qaybsamin uusan lahayn hadafkaas, waxaa
loola jeedaa oo kali ah in la siiyo mudnaan daynlaha ( vantaggio).
Kala duwanaanta xagga
qaabka( Structure) wajib-wadareedka waxaa uu leeyahay waajibyo badan (
pluralita' di obbligazioni) , meesha waajibka aan qaybsamin uu leeyahay hal
waajib( Obbligazione unica).
qaybta labaad(second section) Waajibyada mowduucyada
badan( Obligations with plurality of objects) ama waajibadyada mowduuc ahaan
cufan( Objectively complex obligations)
Waxaan ka hadlidoonaa
waajibaadyada mowduucyadoodu badan yihiin, waxaa ay noqondoonaa ayaga laftoodu
kuwa kala duwan, waxaana ku bilaabaynaa midka ugu horeeyo oo ah.
1- Waajib isi saaran
ama isku xiran ( Cumulative or joint obligation.
Waxaa laga hadlaa
waajibka isi saaran markasta oo ay tahay in daynqabaha ay saaran tahay inuu
fuliyo labo waxqabad ama wax ka badan(two or more prestations) waayo waajibka ayaa nuxurkiisu
yahay waxqabadyo badan, ka xuroobidda daynqabuhu waxay ku xiran tahay ama ay
imaanaysaa marka uu si buuxdo u guto dhammaan waxqabadyadii la rabay in lagu
gaaro xiriirkan, ayada oo ay suurto gal noqokarto in gaar gar loo qabto
waxqabadyada ka dhashay xiriir waajibeedka ( Messineo).
2- waajib badiil leh (
alternative obligations).
Qeexid: waajibka
la kala doornan karo waxaa uu jiraa marka waajibka waxqabadkiisa lagu tilmaamo
labo waxqabad ama wax ka badan, laakiin
daynqabuhu uu ku xuroobayo haddii uu si buuxdo u guto mid ka mid ah labda
waxqabad ee mowduuca wajibka qodobka 272 xm.
Ilaha uu ka dhasho
Waajib-badiileedku
waxaa uu ka dhalan karaa rabitaan
dhinacyada ama sharciga,sidaas darteed ilaha waajib badiileedku uu ka yimaadaa
waa rabitaanka dhinacyada ama sharciga.
Dabeecadda
qaanuuneed( natura giuridica)
marka laga eego xagga
dabeecaddiisa qaanuuneed culumada qaanuunka badankoodu waxay qabaan inuu yahay
waajibka badiilku mid hal ah oo dhamaystiran, kaasoo leh nuxur aan qayb
ahaan mucayan ahayn, waxa uuna noqonayaa
mid la yaqaan marka uu kala doorto
daynqabuhu labada midkood.
kala doorashada ( Facolta'
di scelta) qodobka 273xm.
Haddii doorashada ama
xulashada mid ka mid ah waxqabadyada uu
leeyahay daynqaha isla markaasna uu ka joogsado inuu fuliyo wixii la rabay ama
ay daynqabayaashu isku afgaran waayaan xulashada, daynlaha ayaa waydiisan karo garsooraha
inuu xadido waqti uu daynluhu ku sameeyo doorashadiisa ama ay daynqabayaashu ku
heshiiyaan doorashada midkii ay u fulin lahaayeen.
Haddii xulashada uu
lahaa daynlaha ee uu ka joogsado inuu sameeyo ama daynlayaahsu ku heshiin
waayaan doorashada, daynqabuhu waxaa uu waydiisan karaa garsooraha in la xadido
waqti haddii ay ku sameey waayaan xaqa doorashadu u gudbayo daynqabaha.
Nidaamka( Disciplina).
a)- Doorashada- Xeerku
waxaa uu nidaaminayaa in xaqa kala xulashada labada waxqabad midkood ee waxqabadyada
xiriirka waajibka ka dhashayuu leeyahay daynqabahahaddiiaysandhinacyadu ku
heshiin inuu leeyahay daynluhu ama qof sadaxaad.
Suurto gal la'aanta
fulinta( L' impossibilita' di adempimento).
Haddii uu surto gal
noqonwaayo in la fuliyo mid ka mid ah waxqabadka Xeer dajiyuhu waxaa uu kala
qaadayaa labo arrimood midkood:
·
Haddii suurto
gal la'aanta ay ahayd mid hore,xilligii
dhalashada xiriirka waajibka, waajibka waxaa loo qaadanayaa inuu yahay waajibku
mid fudud( semplice) laga soo bilaabo markii uu dhashay.
·
Haddii suurto
gal la'aantu ku timid waxqabadka la fulinayo ay tahay mid gadaal ka timid daynqabuhu waxaa uu bixinayaa qiimaha
mid ka mid ah waxqabadka Qodobka 274xm.
3- Waajib khayaareed(
Obbligazione facoltativa) qodobka 275xm.
Tacriif: Waajib
khiyaareed waa waaajibka leh hal waxqabad oo kali ah, laakiin daynqabuhu ku
xuroobayo haddii uu fuliyo waxqabad ka duwan kii lagu heshiiyay tusaale kiro
lagu heshiiyay in lagu bixiyo badeeco, laakiin daynqabuhu ku xuroobayo inuu
bixiyo qiima u dhigmo.
Nidaam sharicyeed (
Disciplina giuridica).
·
Dishipiliinkiisu
waxaa uu la mid yahay nidaamka waajibka fudud waayo xiriirka waajibku waxaa uu
leeyahay hal qaxqabad oo kali ah. Haddii uu waajibka asalka ah uu noqdo mid aan
suurto gal ahayn waajibku waa baaba'ayaa.
farqiqa u dhexeeyo
waajib badiilka iyo waaajib khiyaareedka
waajibka khiyaareedka
(obbligazione facoltativa) waxaa uu ka duwan yahay waajibka doorashada
(Obbligazione alternativa) kan dambe waa baajib murakab ah (Complessa) oo loola
jeedo in waajib badiileedku leeyahay waxqabad badan (piu prestazioni) meesha
waajib khiyaareedku uu yahay waajib fudud (semplice) oo macneheedu yahay inuu
leeyahay hal waxqabad (una sola prestazione), waajib badileedka labada waxqabad
waa isku heer (le due prestazioni sono sulla stesso piano).
qaybta saddexaad. Waybinta waajibyada marka la eego
waxqabadka.(Classification of the obligations respect to the prestation).
waajibaadyada waxaa loo
kala qaybiyaa marka laga eego waxqabaka sida soo socoto:
1-waajibaadyada yeelid(
iijaabi)( possitive obligations).
waajibaadyada
boosatifka ah, waa waajibaadyada
mowduucoodu yahay waxqabad atiifa ah oo laga rabo inuu qabto daynqabuhu, waxayna ku yimaadaan:
a)-
waajib wax bixin ah ( obligation to
give). waa waajibka wax bixin ama wareejin uu la socoto
waajib xannaanayn, waajibka xannaanayntu waxaa uu jirayaa ilaa inta uu daynqabuhu ka wareejinayo shayga
ka dhashay waxqabadka waajibka, waajibka xannaanaytu waa waajib raacsan mid
asalka ah ( accessory obligation).
b)-
waajibka samaynta ( obligation to do), waa waajib
mowduuca waxqabadkiisu yahay samayn
kaasoo laga rabo in uu daynqabuhu sameeyo.
C)-
waajib isku dhafan (mixed obligation) waa marka
waajibka mowduuciisu yahay waxqabyo isku
dhafan oo kala ah ( to give and to do) waxaan ay jiraan waxqabadyada ka dhashay waajibku noocaan ah.
2-waajib diidmo (
Salbi) (negative obligation).
Waajibka diidmadu waa
midka mowduuca waxqabadkiisu yahay diidmo ama daynqabaha xiriirka waajib ee
lala galay uu yahay inuusan samayn
habdhaqan ama waxqabad samayn la'aantiisa lagu heshiiyay(
negayive attitude or behavior).
Sidaas darteed waajibka
diidmadu waa mowduuc waxqabad u jeedadiisu tahay inaysan wax dhicin sida in
daynqabaha lagu heshiiyay inuusan wax dhisin.
3- waajib natiijeed iyo
waajib wasiileed ( obligation of result and ob. of means).
a)- Waajib natiijeed
(Obligation of results)
waa marka mowduuca
waxqabadka xiriirka waajibku uusan ahayn oo kali ah xarakaad (activities) ee ay
u jeedada waajibku tahay in laga gaaro natiijo ayadoo xaqiijinta waxqabadkaas uu la mid
noqonayo fulin buuxda wixii la rabay in lagu gaaro, waxaa loo soo qaadankaraa
tusaale dhigid riwaayad (opera) ama heshiis dhismo.
b)- Waajib
wasiiladeed.( obligation of means).
·
Waajibka
mowduuca waxqabadkiisa looga baaham yahay xirfad iyo dadaal u qalmo ama ku
haboon si loo xaqiijiyo wixi lagu heshiiyay, waajib wasiiladeedka waxaa ka mid
ah waxqabad laga rabo inuu sameeyo qof xirfadle ah, sida maamule hanti dad
kale.
4- Waajib caam ah iyo Waajib khaas ah ( Generic and specific
obligations).
a)- Waaib caam ah
Waajibku waa caam marka
mowduuca waxqabdakiisu yahay shay caam ah ama mowduuca waxqabadkiisu yahay
qadar macayan ah ( certain amount)oo ah shay ay suurto gal tahay in lagu dabalo
wax u dhigma sida shan jawaan oo galay ah.
Waajibka guud
daynqabuhu waa inuu ku gutaa wax ka mid ah nuuca laga rabo inuu fuliyo, hasa
yeeshee waa in dayada shayguahaadaa mid
aan ka hoosayn tayo dhexdhexaadka ah.
b)-Waajib khaas ah.
Waajibku waa khaas
marka mowduuca waxqabadkiisu shay khaas ah, sida faras nuuc gaar ah.
Ahmiyadda qaanuunka ee
waajibka caamka (Legal sagnificance of generic obligation).
Qaarka mu'asasaadka
qaanuunka waxay qabaan inuu leeyahay waajibka caamka ah muhiimad gaar ah oo ay
ka mid tahay : baabi'idda waajibka marka uu waxqabadku noqdo mid aan suurtogal
ahayn haddii suurto gal la'aantu tahay mid gadaal ka timid ma saamayso waajibka
caamka ah, daynqabaha waxaa laga rabaa ku fuliyo shay nuuciisa ah ( he can
pravide things of the same kind), xataa haddii waayo wixii uu gacanta ku hayay.
5- Waajib lacageed
(pecuniary or monetary obligation).
Mafhuumka:
waxaa la yiraa waajib lacageed marka mowduuca waxqabadka waajibku yahay mablaq
lacageed sida qofka iibsado shay waxaa laga rabaa inuu bixiyo qiimihii
shayga, sidoo kale qofka qaato lacag dayn ah oo laga rabo inuu celiyo lacagtii
uu daynsaday
Mabda'a
tireedka ama magaceedka ( nominalistic
principle).
Daynta lacageed waxay
ku gudmaysaa marka lagu bixiyo lacagta xilliga la gudanayo mowduuca waxqabadka
lacagta sharci ahaan shaqaynaysa isla markaana lagu bixiyo qiimaheeda magaceed
( nominal value), sidaas darteed ayaa xeer-dajiyuhu ku magacaabay (principio
nominalistico), waxaa loola jeedaa in daynqabuhu ku gudanayo waxqabadkiisa si
waafaqsan inta ay tiro ahaan la ekeed
sidaas darteed ma saameeynayo is badalka qiimaha, daynqabuhu waa inuu ku gutaa
waxqabadkiisa intii lagu lahaa xataa qiimaha lacagtu is badal ku yimaado.
Dhaqan-
galinta mabda'a aan kor ku soo sheegnay
waxaa loo kala qaadaa laba nuuc:
1-
Dayn lacageed ( Debito di valuta or currency debt)
waa dayn mowduuca waxqabadku yahay tiro lacageed laga soo bilaabo markuu
waajibku dhashay, xaaladdan waxaa lagu dabaqayaa mabda'a nominalistikada ah.
2-
Dayn qiimo ah ( value debt) waa dayn mowduuca
waxqabadku yahay wax macna dhaqaale leh isla markaan lagu qiimaykaro xalaadda
suuqa, arrintan laguma dabaqikaro
mabda'a lagu dabaqay xaaladda koowaad.
waajibka dheefaha ama danaha ( The obligatin of intersts).
Lacagta ( Currency)
kasokoow inay tahay qalabka wax lagu kala badasho, waxa ay noqonaysaa badeeco wax lag kala
iibsado.
Dabeecaddawaajib
dheefeedka.
Dabeecadaha waajib
dheefeedka waxaa ay kala yihiin:
1)-dabeecadda raacidda
( accessory) waajibka dheeftu waa mid raaco mid ka asalka ah ama kan wayn
(main), haddii uu baabo'o kan raacuhuna waa la baaba'ayaa.
2)-dabeecadLacageed
( pecuniary and fungible) mowduuca maslaxadda waajibku waxa uu noqokaraa oo
kali ah shay ka fuqikaro oo noqonqyo lacag
( fungible) waana inuu la mid noqdaa waajibka asalka ah sidaas darteed
waajib maslaxadeedku waa waajib lacageed.
3)-Dabeecad Boqolay(percentage)maslaxaddaama
dantu waa in ay noqotaa qiyaasitiisu mid
lagu cabiro boqolay ayadoo loo eegoyao
waajibka asalka ah.
4)-Dabeecad waqtiyeed
(periodic) waxqabadka dantu ama dheefta daynluhu ka helayo xiriirka sharci,
waxaa uu noqonkaraa mid waqtiyaysan oo macneheedu yahay mid la bixiyo waqti
mucayan ah kasoo noqonkaro lixdii biloodba ama sannadkiiba mar.
kala qaybinta dheefta
marka loo eego isha.
Dheefta ka dhalato
waajibka sharciyeed waxaa loo kala qaybiyaa laba nuuc:
1- dheef shaciyeed.dheef
sharciyeedka waa midda isheedu ama halka ay ka
dhalatay ay tahay sharciga, waxaana mabaadi'da guud ee sharciga
nidaamiyo mucaamalaadka dadku sheegayaa in dayn kasto oo xiddi lacag cash ah( credit of sums cash), xiddigeedu cayiman yahay, isla markaana la
waydiisan karo fulinteeda oo aan lagu xirin waqti iyo shardi waxaa ay dhalaysaa
dheef ( profit),haddii aysan dhinacyadu si ka duwan u nidaamin.
2- Dheef heshiiseed (
conventional interest).waa dheef ka dhalatay rabitaanka
dhinacyada, dadka guntayo xiriirka waxaa ay ku heshiikaraan inay xadidaan
qiyaas dheefeed ka duwan midda uu sharcigu tilmaamay, haddii ay dhinacyadu ka
gaabsaan inay waajibka ku xadidaan waxaa loo laabanayaa sharciga.
kala qaybinta dheefta marka loo eego
shaqadiisa. ( function). Dheefta marka loo eego
funsuyooneheeda waxaa loo kala qaadaa:
1- Dheefta dib-udhiciodda ( interest for
tale).waa dheeftala
daahidda bixinta daynta, waxayna
timaadaa marka lala daaho fulinta waxqabadka waajibka, waxaaay noqonaysaa mid u dhiganta magdhawga
faa'iidadii ka baaqatay oo uu ka helihaa
daynlaha haddii
loogu fuliwaayo waqtigii lagu heshiiyay.
2- Dheefta dulsaarka. waxaa
ay ku dhalataa jiritaanka daymaha lacagaha caddaanka ah xataa haddii aan la
daahin ama aan la waydiisan daynqabaha bixinteeda ( Corresponding interest).
3- Dheefta cawilcelonta ( compensatory
interest). Culumada qaanuunka qaarkood waxaa ay ka
hadlaan dheefta cawicelinta oo loola jeedo dheef ka dhalato faa'iidadii ka
baaqatay inta aan la fulin waxqabaka lagu heshiiyay ama aan lagu wareejin
daynlaha shaygii laga iibiyay.

Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum