Cutubka 3aad: Isbedelka shaqsiyaadka waajibka (changes to the subject of the obligation). Qaybta 1aad badalidda dhanka aktifka ah ( the changes of the active side)
Cutubka 3aad: Isbedelka shaqsiyaadka waajibka (changes to
the subject of the obligation).
Qaybta 1aad
badalidda dhanka aktifka ah ( the changes of the active side)
1- Wareejinta daynta
guud ahaan ( the succession of the
credit in general).
Xiriirka waajibka
markasto ma ahan muhiin inay wadaan( plays) ama dhammaystiraan dhinacyadii
unkay ama dhaliyay xiriirka waajibka.
Sida caadadu ahayd
sharcigii Roomaanka waxaa uu qabay in xiriirka waajibku yahay mid shaqsiyeed oo qofka dhinaca ka ah uusan ku
wareejin karin qof kale, hasa yeeshee
waxaa ku dhacay marxaladahii taariikheed ee uu soo maray qaanuun madanigu
isbedel tartiib tartiib ah oo keenay in loo aqoonsado in makaanada ama booska
aktiifka ah, uu la mid yahay hanti uu leeyahay daynluhu oo loo wareejikaro qof
kale oo uusan ahayn xiriir shaqsiyeed oo
aan la wareejikarin ( no longer untransferable as interpersonal relationship).
wareejinta dayntu waxaa
ku imaankaraa:
a)- Khilaafa ku
timaado si guud ( a titilo universale). Waxay ku timaadaa marka xiriirka
waajibka lagu dhaxlo dardaaran ama xaladda ay isku darmaan labo shirkadood (
fusion of two companies)
b)- Khilaafa ku timaado
si gaar ah ( a titolo particolare). Waxaa ku
timaadaa marka ay dhacdo camal uu sameey dhinaca daynta leh, waxaa ay
noqonkartaa in maamul loona xilsaaro qof kale (credit assignment), waxaa lake
oo laga hadlaa in qof saddaxaad la wareego xuquuqdii daynluhu ku lahaa xiriirka
waajibka ( Subrogation of a third in the rights of creditor).
2- Wareejinta Xaqa
daynta . ( assignment of credit) qodobka 300 xm
a)- Mafhuum.
Wareejinta xaqa daynta, waa heshiis uu daynluhu ugu wareejinayo qof kale
xuquuqiisa ka dhalatay xiriirka waajibka
ama daynta. Natiijada ka dhalanayso wareejinta waa inuu yimaado daynle cusub oo
galayo booskii daynlaha asalka ahaa, waxayna la mid noqonaysaa xaaladda
khilaafada ku timaado sida gaarka ah.
b)- Dabeecadda
qaanuuneed ( legal nature).
Wareejnta daynta sida
culumada badan ee qaanuunku qabaan waa hab gudihiisu ballaan yahay lagu
xaqiijinayo hadafkii laga lahaa waxqabadka, waxaana lagu qabakaraa ama lagu fulikaraa si muqaabal
leh ama si bilaash ah, waxqabadyada la
wareejina waxaa ka mid ah qaabka loo maaraynayo wax kala iibsiga ama hibada.
c)- Saamaynta
wareejinta ( effectiveness of the assignment).
Ansaxnimada wareejinta
ama si ay wareejinta xaqa daynta u noqdo mid ansax ah uma baahna inuu aqbalo
ama la waydiiyo rabitaankiisa daynqabaha la wareejiyay,
si uu uga dhaqangalo daynqabaha iyo dadka
saddaxaadba waxaa loo baahan yahay in la
dhammaysdtiro arrimo soo socdo:
1- Gaarsiinta daynqabaha.
2- Dadka saddaxaad.
Haddii wareejinta xaqa dayntu saameeynayo dad badan waxaa loo fulinayaa qofka
ugu hareeyo oo la gaarsiiyo daynqabaha ama midka ugu hrreeyo oo helay ogolaashada leh waqtiga la hubo.
d)- Raacayaasha daynta
iyo dammaanadda wareejiyaha ( accessories of credit and guarantee of cedent).
Wareejinta xaqa daynta
dhaxdeesa waxaa lagu xaqiijinayaa in la wareejinta in lala wareejiyo waxa alla
wixi ka dhashay waxqabadka xiriirka
waajibka ama wixii raacsanaa xiriirkaas,
hasa yeeshee xi riirka waajibku waxaa uu ahaanayaa islam xiriirkii asalka ahaa.
3- Badiil saddaxaad
xuquuqda daynlaha.( Surrogation of the credior's rights in third).
Tacriif. Caadi
ahaan ( normaly) bixinta waxqabadka ee uu sameeyo qof saddaaxaad waxaa ay
keenaysa dhammaasha ama fulinta waxqabadka ka dhashay xiriirka waajibka.
waxa uuna ku imaakaraa
xaaladaha soo socdo:
1- rabitaan daynlaha (
by the will of the creditor).
Waxaa kiu imaankartaa
daynluhu rabitaankiisa ku wareejiyo xaqii waxqabadka ee uu rabay inuu fuliyo
daynqabuhu in loo fuliyo qof kale intii asaga loo fuli lahaa.
2- rabitaanka
daynqabaha (By the will of the debitor).
Waxaa ku imaankartaa
in daynqabuhu uu kula heshiiyo qof kale
inuu booskii buuxiyo asagoo bixinayo ama u gudanayo waxqabadfkii laga sugayay
qofkii uu xiriirka waajibka kala dhexeeyay.
3- Rabitaanka sharciga
( by the will of the law) qodobka 323 xm.
Waxaa sharcigu ogol
yahay inuu qof saddaxaad bixiyo dayn cid kale lagu leeyahay ayada oo aysan ka
ku xirnayn ama ka imaan rabitaan dhinacyadii waajibka guntay ama uu ka
dhexeeyay waxaa lago ma gacaabaa badiil sharciyeed( legal surrogation).
4- Mowqifka badiilka (
position of surrogate)
waxaa guug ahaan
culumadu aaminsan tahay in badiilku qaadanayo mowqifka ama maqaamka daynlihii
asalka ahaa, waxaana ku soo wareegayo wax alla wixii xuquuq ahaa ee la xiriiray
xaqa ku soo wareegay,
Qaybta labaad:
badalidda dhanka passifka ah ee xiriirka ( the changes passive side of the
raport).
waxayna ku imaankartaa
xaaladaha soo socdo:
1- Ka khaliifka
noqoshada daynta ( the succession in debt).
Suurto galnimada inay shaqayso ka khaliif noqoshada
daynt si ka duwan tan ku saabsan ammaahda (credit),
Xaaladaha oo ay ku
timaado wareegga waxqabadka dhinaca lagu
leeyahay daynta waxaa ay ku imaankartaa saddaxda xaaladood ee oo kala ah:
2)- wakaalad ama Ergay
( delegation).
Waxa ay jirtaa
wakaaladi marka daynqabuhu( delegator) u xilsaarto qof kale (delegato) inuu
buuxiyo ama fukiyo waxqabadkii laga sugayay ee ka dhashay xiriirka waajibka ama
uu u xilsaarto inuu bixiyo lacag laga rabay inuu bixiyo, waxqabadkaas oo loo
fulinayo qofkii daynta ku lahaa ( delegatario).
Noocyada wakaaladda.
wakaalashadu waxay ku
imaankartaa noocyo kala duwan, waxaana ka mid ah:
Wakaalashada daynta (
delegation of the debt). waxaa ay jirtaa marka daynqabuhu
amro qof kale inuu bixiyo dayntii lagu lahaa, kan la amrayna uu qaato inuu
gudanayo waxqabadkaas.
Wakaalad bixin lacageed
( Payment delegation). waxaa ay jirtaa marka aysan wakaaladdu
ahayn in la qaado dayn bixinteed, laakiin ay tahay lacag in si toos ah loo
bixiyo taas oo shardiyaysan waxay dhacaysaa marka jeeg shardiyaysan lagu amro
banki inuu cid kale ku siiyo lacagtaas.
wakaalashada isi saaran
( Cumulative delegation) waxaa uu yimaadaa marka dayn qabaha cusub oo ku soo
biiray waajib iyo kii hore si isku mid u ah loogu wada leeyahay daynta, kan wax
wakiishay waxaa uu xuroobayaa marka la bixiyo daynta ama la guto waxqabadka oo kali
ah, haddii kale waa laga rabayaa inuu fuliyo qaxqabakii, haddii la waydiisto,
mana uu xuroobayo inta laga bixinayo ama
laga fulinayo.
Wakaalad xurayta.
( Liberating delegation). waxaa uu yimaadaa marka wakaalashada dayn qabuhu uu
wakiisho qof kale inuu buuxiyo booskiisa xiriirka waajib isla markaasna uu si
cad u ogolaado daynlaha xaqiisa fulintiisa loo wakiilanayo qofka kale,
xaaladdan marka ay timaado dayn qabaha cusub ayaa noqonayo dhinca, daynqabihii
xiriirka kii hore waa uu ka baxayaa xiriirka waajibka.
3)- Iflaaska daynqabaha
Cusub ( Insolvency of the new debtor).
Haddii ay wakaaladdu
tahay midda xuraynta ama madax bannaynta oo loola jeedo hadduu daynluhu
ogolaaday madax bannayta dayn qabaha asalka ah, waxaa ay keenaysaa in uu
waydiisan karo oo kali ah, waxqabadka xiriirka daynqabaha cusub, haddiise
daynluhu uusan ogolaan in la madax banneeyo daynqabihii asalka ahaa marka
wakaaladda la samaynayay, si isku mid ah ayuu u waydiisan karaa labada midkii
uu doono, mana lagu dabaqikaro nidaamka wakaaladda xuraynta, waxayna ku
tidaamaa labo xaaladood:
a)- haddii daynluhu si
cad u sheego inuu la haro xaqa ah inuusan rabin inuu madax banneeyo wakiishaha
labadoobne ay si isku mid ah uu uga rabay fulinta waxqabadka.
b)- Haddii uu la
wakiishu ahaa mucsur aan guda karin qaxqabadka markuu qaadayay daynta.
4)- Baabi'idda
dammaanadda ( Extinction of the guarantees).
haddii marka wakaaladda
la samaynayo daynluhu ogolaado in la
madax banneeyo dayn qabaha asalka ah, dammaanaddii ku xirnayd, waxa ay ka
dhecaysaa daynqabaha asalka ah, haddii aysan ogolaan ciddii dammaanadda
dhiidtay markii hore inay sii jirto.
5- Wakaaladda daynlaha
( active delegation)
waxaan uga hadlaynaa
marka wakaaladdu ka timaado dhanka daynlaha ( active gelegation), waxa ay
dhacaysaa marka daynluhu wakiisho qof kale in daynqabuhu u guto waxqabadkii
xiriirka waajibka qof kale oo noqonayo daynle cusub, waxaa lagu tilmaamaa sida
xaalad dhaxal xaqa daynta.
6- Waajib qaadidda qof
aan ka mid ahayn Xiriirka ( Espromissione).
Qaadidda waajibka qof
aan ka mid ahayn xiriirka waxay ku timaadaa marka qof saddaxaad oo xiriirka
waajibka ka ajnabi ah ( espromittente) ayadoo aysan wakiilasho uu sameeyay daynqabuhu, uu qaado qofkaasi waxqabadka
waajibka daynta loo fulinayo daynlaha ( Espromissario).
Qaadidda waajibka qofka
sadaxaad waxaa ka jirta labo aragti oo
kala ah:
a)- waajib qaadid isi
saaran ( Espromissione cumulativa) waxaan loo jeedaa in daynqabaha asalka ah
iyo qaadaha waxqabadka waajibka ay si isku mid ah looga rabo gudashada
waxqabadkii laga rabay in lagu gaaro xiriirii asalka ahaa.
b)- waajib qaadid
xurayn leh ( Espromissione liberatoria) haddii daynluhu caddeeyo inuu xuraynayo
daynqabihii asalka ahaa, taas oo ah in qaxqabadkii xiriirka loo raacanayo qofka
sadaxaad ee soo galay xiriirka.
Xaqiijinta qaadidda
waajibka. Qaadidda waajibka waxaa lagu xaqiijiyaa ayadoo loo
marayo heshiis dhexmaro waajib qaadaaha ( Espromittente) iyo daynlaha.
Nidaamka ishortaagga.
Hasa yeeshee waxaa uu u
soo jeedinkaraa is hortaagga uu daynluhu u soo jeedinkaray daynqabaha laga
qaaday waxqabadka waajibka marka laga reebo:
1- Is hortaag shaqsi ah
sida awood la'aanta daynqabaha ( Inability of the debtor).
2- Is hortaag ka
dhashay falal ka dambeeyay markii uu qaaday daynta.
3- Is hortaag ku saabsan magdhow, arrimahan waxay
saamaynayaan labada qaab oo uu ku yimaado waajib qaadiddu oo kala ahaa midka
isi saaran iyo midka xuraynta.
7- Heshiis qaadid dayn
( Accollo)
A)- Mafhuumka iyo
noocyada
waa heshiis dhexmarayo
daynqabe iyo qof sadaxaad oo lagula heshiinayo qofka saddaxaad inuu qaado
bixinta dayn qof kale lagu leeyahay hishiiskaas oo uusan ka qaybgalayn
daynluhu.
Heshiiska qaadidda
daynta ( Tipi di accollo).
Heshiiskani waxaa uu
kiu yimaadaa saaladaha soo socdo:
1- Heshiis fudud ama
gudaha ah ( simple or interno) waxay timaadaa marka daynluhu heshiiska uu ka
yahay bannanka ama ajnabi, xaaladdan waa marka daynluhu uusan mid ahayn
xiriirka heshiiska ama uusan ogayn, ama
dhinacyadu ay ayagu ka saareen.
2- Heshiis dinadda ah (
accollo esterno) waa marka daynluhu ka qaybgalo guntidda heshiiska isla
markaasna uu leeyahay awood inaan laga noqnkarin.
Heshiiskan dibaddu (
accollo esterno) si la mid ah delegationka iyo espromissionaha waxaa uu
noqokaraa:
a)- Mid isi saaran (
cumulativo). Waxayna timaadaa marka daynluhu ogolaado heshiiska laakiin uusan
ka xurayn xiriirka daynqabaha asalka ah, xaaladdan daynqabaha aslaka ha waxa u
si la mid ah qofka saddaxaad oo soo galay xiriirka.
b)- Mid xurayn ah ( liberatorio). waxa ay imaanaysaa marka daynluhu si cad u
xureeyo daynqabaha asalka ah.
Nidaamka is hortaagga.
Qofka saddaxaad ee
galay heshiiska qaadidda daynta waxaa uu ku sameey karaa is hortaag daynlaha
xaaladaha soo socdo:
1- sababaha is
hortaaggu haddii ay ka dhasheen heshiiska cusub ama la xiriiro saxnimada
heshiiska ama arrimo keenikaro in heshiiska la baabi'iyo, marka laga reebo
waxa sababo ku saabsan xiriir kale oo
kala dhexeeyo daynqabaha asalka ah iyo daynlaha.
2- sababo ku saabsan
xiriirka daynlaha asalka ah iyo daynlaha xiriirkii hore.
Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum