Cutubka 6aad: gudasho la,aanta iyo daahida. 1. Gudasho la,aanta guud ahaan:
Cutubka 6aad: gudasho la,aanta iyo daahida.
1.
Gudasho la,aanta guud ahaan:
Gudasho la,aantu waxay jirtaa marka la waayo ama uu
maqnaado waxqabadkii la rabay ina la fuliyo ama lagu gaaro xiriirka sharci ee
hore loo guntay.
Gudasho la,aantu waxay ku timaada : 1) in la gudan
waayo dhamaan waxqabadka xiriirka waajibka (total failure), 2) waxay jiri
kartaa marka ay maqnaato gudashada dhamaan waxqabadkii xiriirka waajibka loo
guntay ina lagu gaaro, waxay jiri karta marka qeyb ka mid ah ama uu maqnaado
ama la fulin waayo, waxan lagu magacaaba gudasho la,aan qaybeed(partial
failure),
Gudasho la,aantu waxaan u kala qaadeyna sida soo
socota:
A.
Gudasho
la,aan kama dambeysa ah( definitive failure).
Waxay
timaada marka xirirka waajibka uu noqdo mid aan dhamaantiis la fulin ama la
fulin waayay si kastoo ay ku timaado.
B.
Gudasho
la,aan ku meel gaar ah ama dib u dhac(temporary failure or delay).
Inta
u dhaxayso marka waxqabadka la guntay xiriirka sharci iyo inta laga gaarayo
waqtiga gudashadiis waxaa dhici karto
xaalado aan hore loogu tala galin ama la sii odorasina waxaana ka mid ah : marka si ku meel gaar ah loo fulin waayo
waxqabadka ama uu ku yimaado dib u dhac xiligii la rabay ina la fuliyo
waxqabadka.
Waxaa
kale oo laga eegi karaa gudasho la,aanta waxqabadka dhanka sababta keentay ama
waxa sababay in xiriirka dhaxmarayo labad dhinac uu noqdo mid aan la fulin ama
lagu gaarin uljeedadii lo guntay , waxaana
loo kala qaadi karaa sababta keentay:
a.
Sabab
loo nisbeena karo ama la xiriirto daynqabaha.
Waxay
jirtaa marka gudasha la,aantu ku timaado ula kac ama kama o ka timaado
daynqabaha, waxaana ka dhasha ka so kow in xirika la fasaqo ama la buriyo iyo
in laga qaado magdhow daynqabaha.
b.
Sabab
aan loo nisbeen Karin ama loo xiriirin Karin daynqabaha.
Waxay
ku timaada marka ay dhacaan arimo aan loo tiirin Karin ama aan ku xirnen qofka
laga rabay gudashada waxqabadka, oo aan ku imaan ula kac ama kama aho ka yimida
daynqabaha, waxay dhacan xaladani marka qadar ku timiado.
2.
U nisbeynata ama la xiriirinta (the
immutability).
Mabada’a
saldhiga u ah masuuliyada waa u nisbeynta qofka ama sababta ay ku timida
gudasho la’aanta waxqabadka ama awooda uljeedada iyo doonista qofka marka uu
sameynayo fal gaysanayo waxyeelo,
3. Suurto gala la’aan dib ugu timida sababa aan loo nisbeyn
Karin daynqabaha.
Suurta
gala la’aanta gudashad waxqabadka xirirka waajibka hadii ay ku timaado sabab
aan ku xirnayna daynqbaha, waxa ay keeneysaa xirirka sharci oo baaba’o .
Waxaa laga maarman ah in la helo
arrimaha soo socda:
a.
Suurto
gala la’aan mowduuci ah ( objective impossibility).
Waa
inay noqota mid mowduuci ah oo macnahed yahay inay quseeso waxqabadka nafsad
ahaantiisa, waana inay noqon mid shaqsi ah o ku xiran daynqabha.
Marka laga eego
dabeecadda waxqabadkooda waxaana ka mid ah:
1)
Waajib
lacageed.
Suurta
gala la’aanta ku timaado waxqabadka xirirka ma saameyneyso xirirka waxqabadkiis
yahay tiro lacageed in lahu guto, waayo waxqabadka nocan ah markasto waa suurto
gal in la guto ama la fuliyo.
2)
Waajib
guud(general obligation).
Marka
waxqabadka xirirka waajibku yahay mid guud markasto daynqabahu waxaa u heli
karaa wax uu waxqabadka waajibka ku guto, sida darted xirirka waxqabadkiisu
yahay noocaan oo kale ma keeni karo inuu baaba’o.
b. Suurto gal
la’aanta dib ka timid.
Waxqabadka
xirirka waajibka hadii ay jirtay marka xirirka la guntayay, waxaa lagu
magacabaa suurto gal la’aanta asalka ah,xirirkuna waxa uu noqonayaa mid baaba’o
ah, marka si nloogu hadlo suurto gal la’aan ku timid waxqabadka xirirka waxaa
loo baahan yahy in laguto waxqabadkii lagu heshiiyay.
c.
Suurto
gal la’aan laga hortagi Karin ( absolute).
Waa
mid ku timid qadar
d.
Suurto
gal la’aan koobta ama camimta( total).
Waa
inay noqota mid saameysa dhamaan waxqabadka xirirka waajibka,
e. Suurto gal
la’aan kama dambeysa ah (definitive impossibility).
Waxay
keeneysaa xiriirka sharci inuu dhammaado ama baaba’o.
4. Waydiisasho karida la’aanta waxqabadka (uncollectable
prestation).
Waxa
laga soo reeba masuuliyada daynqabaha marka ay timaado xaalad suurta gal la’aan
gadal ka timid oo aan lo nisbeyn Karin ama aan ku imaan sabab ka timida
daynqabaha,
5. La daahida gudashada waxqbadka daynqabaha.
Waxa
suurta gal ah inay dhacaan xaaladahan soo socda:
A.
La
daahida (delay).
La
daahida gudashada waxqabadku waxay u dhigantaa gudasha ama fulin la’aan, marka
waxqabadka xiriirka waajibka fulintiisa lagu xiro waqti,hadii waqtigaas la
dhaafana aysan daynlaha wax macno ah u laheyna gudashadiisu,xata hadii ay tahay
mid sabab aan loo nisbeyna karina daynqabaha.
B.
Daahidda
sugnaatay (qualified delay).
Daahidda
waxay ku sugnaa kartaa marka laga hadlayo gudashada waxqabadka waajibka in
daynqabuhu ilaalin waayo waqtigii lagu heshiiyay inu ku gutoama fuliyo
waxqabadkii laga rabay,
C.
Shuruudaha
daahidda.
Si
loo yiraahdo waxaa jirto daahidda waxaa loo baahan yahay in la helo xaaladahan:
1) Waa
in waxqabadku yahay mid la waydisan karo, oo macnaheesu yahay inay tahay mid
bislaaday oo la gaaray xiligii ay ahayda in la guto ama la fuliyo waxqabadka
xiriirka waajibka.
2) In
aysan daahiddu ku immaan sabab ku xiran ama loo nisbeyna karo daynqabaha.
D.
Nadiifin
ama daahirin( purgation)
Nadiifinta
ama daahirintu, waxa ay jirtaa ama ku timaadaa
marka laga saaro ama laga bixiyo xaalladdii sharci darad ahayda ee
daahidda iyo natiijadii ka dhalatay , waxayna ku I maan kartaa marka laga
tanaasulo xaqii waxqabadka ama daahida sida inuu daynluhu siiyo daynqabaha
waqti dheerad ah oo uu ku fuliyop waxqabadki laga sugaayay asago dib ugu
dhigayo waqtigii laga rabay gudashada waxqabadka.
6.
Daahidda daynlaha
A. Mafhumka:
waxa ay ku timaadaa marka daynluhu diido inuu guddoomowaxqabadkii loo gudanayay, ayadoo aysan jirin sabab
sharci ah sida waajib waxqabadkiisu yahay badeecadda, markii loo keenayna uu
diido inuu guddoomo badeecadii.
B.
Shuruudaha
iyo qaababka daahidda daynlaha.
Waxaa
lagama maarmaan ah in daynqabuhu u soo ban dhigo daynlaha inuu guddomo waxqabadkii
uu sugaayay in lo fuliyo , waxaan laga maarmaan ah in gudbinta fulinta
waxqabadku noqotaa mid rasmi ah.
Oferka
rasmiga ah ee loo soo jeediyay daynlaha kuna saabsan fulinta waxqabadkii
xiriirka, waa in loo isticmaalaa gaarsiintiisa sarkaal guud oo garsoore ka
socdo ama sarkaal nootaayo ah, laguna fuliyaa qaabka uu sharcigu nidaamiyay.
C.
Natiijadda
ka dhalato daahidda daynlaha.
Hadii
ay dhacdo daahida daynlaha waxaa ka dhalanayo natiijooyinka soo socda:
a. Inay
timaado suurto gal la’aan gadaal ka timida ee waxqabadka, taa soo bislaanayso
markay buuxsanto daahidda daynlahu,
b. Hadii
ay dhammaystiranto daahidda daynlaha waxaa uu xaqa u yeelanayaa daynluhu in loo
magdhawo waxyeelada dhaqaale ee ka dhashay daahidda.
Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum