Cutubka 7aad: mas uuliyada hantiyeed iyo dammaanadda waajibka. (patrimonial responsibility and guarantees of the obligation).
Cutubka 7aad: mas uuliyada hantiyeed iyo
dammaanadda waajibka. (patrimonial responsibility and guarantees of the
obligation).
Qaybta koowaad: masuuliyadda
hantiyeedda, dammanadda waajibka iyo mudnaanta.
1.
Masuuliyadda hantiyeeda.
Waxaa lagu qeexi karaa:
hoos I maanshaha hantida daynqabaha marka uu gudan waayo waxqabadkii ka dhashay
xiriirka waajibka oo lol jeeday qancinta danta uu ka lahaa daynluhu uljeedadii
uu u galay xiriirka, taa oo keeni karto in xoog loogu khasbo daynqabaha fulinta
waxqabadkii laga doonayay, waxayna ku yeelan karta saameyna ama yeelanaysaa
hantidiis.
Masuuliyaddaa waxaa
lagu muujiyaa sida natiijo ka dhalatay gudasha la’aanta daynqabaha waxqabadka
xiriirka waajibka, waxaana lagu xaqiijinayaa ilaalinta xuquuqda daynlaha si
waafaqsan sharciga.
Dacwad shaqsiga ah ee
daynluhu u isticmaali karo oo lid ku ah daynqabaha si uu u helo xaqiisa, waxan ka mid ah:
a) Inuu
waydiisto in si khasab ah loogu fuliyo daynqabaha gudahooda ama qancinta danta
hantiyed uu daynluhu rabay inuu ku gaaro xirirka ay wad galeen.
b) Hadii
fulinta ama gudashada waxqabadkau uusan wax macno u sameenayna daynlaha ama
aysan suurto gal ahayn fulintiisu, waxaa uu ku dacweyna karaa inuu wediisto
magdhaw waxyeeladii ka so gaartay gudasha la’aanta waajibka.
2. Xoojinta dammaanada daynta (the reinforcement guarantee
of the credit).
Dammaanda
masuuliyada hantiyed waxay noqon kartaa mid aan ku filnayn inay daboosho
culeysk waxqabadka xirirka waajibka
laga rab daynmqabaha, gaar ahaan marka daynqabuhu lagu leeyahay daymo badan ama
ay dhici karto inuu wax is dabo marin ku sameeyo hantidiis.
Sharcigu
waxaa uu hore u sheegay nidaam dammaanadeedyo, kuwas oo suurto gal ah inuu daynluhu kuala dooran karo ka
faa’ideysigooda, waxan ka mid ah:
a) Kordhinta
daynqabayaasha oo ah ina lagu soo kordhiyo xirirka dad cusub oo si siman logu
wada yeesho waxqabadka xirirka waajibka.
b) Abuurida
dammaada rasmi ah.
c) Fulin
hordhac ah. Ina la weydisto fulin ka horeyso waqtiga la rabay in la
dhamaeystirofulint.
3. Kala hormarinta bixinta daymaha.
Xaaladaani
waxay timaada marka ay dhacdo gudasha la’aanta waxqabadka laga rabay fulintooda
daynqabaha, isla markana ay jiraan waxqabadyo kala duwan ama daymo laga sugayay
inuu guto.waxayna imaan karan kal hormarinta ayad laga eegayo mudnaanta ay kal
leeyihiin, waxan sabab u ah arimahaan so socda: mudanaan(privilege),
curaar(pledge), ama rahan(mortgage), waxan lagu magacaba markay la socoda mid
ka mid ah noocyadaan.
Xaaladan
aan ku ku so sheeganay waxa ka dhalanayo arrimahaan
soo socda:
a) xaqa
daba galka (right to follow) in daynluhu dabo galo hantidi lo rahamay xata hadi
cid kale gacant ku heyso
b) inuu
la wareego hantidii loo rahmay hadii uu aro in daynqabuhu burburinayo shaygii
dammanada u aha
c) hadii
uu daynluhu u arko shayga loo rahmay inuusan dabooli Karin waxqabadka ka dhashay
xirirka , hadi loo fulin waayo inuu weydiisto kordhin qiimaha rahanta.
4. Mudnaanaha (privilege).
a) Mafhumka:
mudnaanyui waxay siineysa daynluhu xaqa ah in laga hormariyo gudashada
waxqabadkiisa dadka kale ee daynta ku leh daynqabaha, ayadoo la tix galinayo
dabeecada ama sababta keentay ama ay ka dhalatay daynta.
Mudnaantu
waxay ka dhalataa kaliya sharciga,
b)
Noocyada
mudnanta( types of privilege).
Waxa
look ala qaadaa qaybaha kala ah:
1) Mudnaan
guud (general privilege)
2) Mudnaan
gaar ah (special privilege)
Qaybta labaad:
xuquuqda rasmiga ah ee damaanada (mortgaging)
Xaaladan
waxa ay u xaqiijinaysaa daynlaha inuu awood ugu yeesho shay ka mid ah hantida
daynqabaha ama qof saddaxaad,marka ay timaado ina loo xaraasho si loogu gudo
waxqabdkii xirirka waajibka kaa soo gudan waayay sidi lagu heshiiyay.
Waxaa
look ala qaadi karaa xaaladaha ay ku timaado:
Curaar
(pledge,pegno) iyo rahan (mortgage, ipoteca).
Dabeecdda ay wadaagaan:
a) Raace;
(accessories)
b) Qaybsamida
la’aan (indivisibility)
c) Xaddidnaan
( exactness)
1) Rahan:
waxaa ay ka mid tahay xuquuqda damaanda rasmiga ah waxayna ku timaadaa in loo
gacan galiyo daynlaha hanta ma guurto ah ama guurto diiwaan gashan, si u ugu
qaato waxqabadkii uu filaayay hadii loo
fulin waayo.
2) Curaar:
waxaa ay ka mid tahay damaanada xuquuqda rasmiga ah waxa loo isticmaalaa
hantida guurtada ah, oo lagu wareejinaayo daynlaha ama dukuminti la xiriiro.
Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum