Cutubka 3aad: Isbedelka shaqsiyaadka waajibka (changes to the subject of the obligation).  Qaybta 1aad badalidda dhanka aktifka ah ( the changes of the active side)

Cutubka 3aad: Isbedelka shaqsiyaadka waajibka (changes to the subject of the obligation).
 Qaybta 1aad badalidda dhanka aktifka ah ( the changes of the active side)
1- Wareejinta daynta guud ahaan ( the  succession of the credit in general).
Xiriirka waajibka markasto ma ahan muhiin inay wadaan( plays) ama dhammaystiraan dhinacyadii unkay ama dhaliyay xiriirka waajibka.
Sida caadadu ahayd sharcigii Roomaanka waxaa uu qabay in xiriirka waajibku yahay mid    shaqsiyeed oo qofka dhinaca ka ah uusan ku wareejin karin qof kale,  hasa yeeshee waxaa ku dhacay marxaladahii taariikheed ee uu soo maray qaanuun madanigu isbedel tartiib tartiib ah oo keenay in loo aqoonsado in makaanada ama booska aktiifka ah, uu la mid yahay hanti uu leeyahay daynluhu oo loo wareejikaro qof kale  oo uusan ahayn xiriir shaqsiyeed oo aan la wareejikarin ( no longer untransferable as interpersonal relationship).
wareejinta dayntu waxaa ku imaankaraa:
a)- Khilaafa ku timaado si guud ( a titilo universale). Waxay ku timaadaa marka xiriirka waajibka lagu dhaxlo dardaaran ama xaladda ay isku darmaan labo shirkadood ( fusion of two companies)                  
b)- Khilaafa ku timaado si gaar ah ( a titolo particolare). Waxaa ku timaadaa marka ay dhacdo camal uu sameey dhinaca daynta leh, waxaa ay noqonkartaa in maamul loona xilsaaro qof kale (credit assignment), waxaa lake oo laga hadlaa in qof saddaxaad la wareego xuquuqdii daynluhu ku lahaa xiriirka waajibka ( Subrogation of a third in the rights of creditor).
2- Wareejinta Xaqa daynta . ( assignment of credit) qodobka 300 xm
a)- Mafhuum. Wareejinta xaqa daynta, waa heshiis uu daynluhu ugu wareejinayo qof kale xuquuqiisa  ka dhalatay xiriirka waajibka ama daynta. Natiijada ka dhalanayso wareejinta waa inuu yimaado daynle cusub oo galayo booskii daynlaha asalka ahaa, waxayna la mid noqonaysaa xaaladda khilaafada ku timaado sida gaarka ah.
b)- Dabeecadda qaanuuneed ( legal nature).
Wareejnta daynta sida culumada badan ee qaanuunku qabaan waa hab gudihiisu ballaan yahay lagu xaqiijinayo hadafkii laga lahaa waxqabadka, waxaana  lagu qabakaraa ama lagu fulikaraa si muqaabal leh ama si  bilaash ah, waxqabadyada la wareejina waxaa ka mid ah qaabka loo maaraynayo wax kala iibsiga ama hibada.
c)- Saamaynta wareejinta ( effectiveness of the assignment).
Ansaxnimada wareejinta ama si ay wareejinta xaqa daynta u noqdo mid ansax ah uma baahna inuu aqbalo ama la waydiiyo rabitaankiisa daynqabaha la wareejiyay,
si uu uga  dhaqangalo daynqabaha iyo dadka saddaxaadba  waxaa loo baahan yahay in la dhammaysdtiro arrimo soo socdo:
 1- Gaarsiinta daynqabaha. 
2- Dadka saddaxaad. Haddii wareejinta xaqa dayntu saameeynayo dad badan waxaa loo fulinayaa qofka ugu hareeyo oo la gaarsiiyo daynqabaha ama midka ugu hrreeyo oo  helay ogolaashada leh waqtiga la hubo.
d)- Raacayaasha daynta iyo dammaanadda wareejiyaha ( accessories of credit and guarantee of cedent).
Wareejinta xaqa daynta dhaxdeesa waxaa lagu xaqiijinayaa in la wareejinta in lala wareejiyo waxa alla wixi ka dhashay  waxqabadka xiriirka waajibka ama  wixii raacsanaa xiriirkaas, hasa yeeshee xi riirka waajibku waxaa uu ahaanayaa islam xiriirkii asalka ahaa.
3- Badiil saddaxaad xuquuqda daynlaha.( Surrogation of the credior's rights in third).
Tacriif. Caadi ahaan ( normaly) bixinta waxqabadka ee uu sameeyo qof saddaaxaad waxaa ay keenaysa dhammaasha ama fulinta waxqabadka ka dhashay xiriirka  waajibka.
waxa uuna ku imaakaraa xaaladaha soo socdo:
1- rabitaan daynlaha ( by the will of the creditor).
Waxaa kiu imaankartaa daynluhu rabitaankiisa ku wareejiyo xaqii waxqabadka ee uu rabay inuu fuliyo daynqabuhu in loo fuliyo qof kale intii asaga loo fuli lahaa.
2- rabitaanka daynqabaha (By  the will of the debitor).
Waxaa ku imaankartaa in   daynqabuhu uu kula heshiiyo qof kale inuu booskii buuxiyo asagoo bixinayo ama u gudanayo waxqabadfkii laga sugayay qofkii uu xiriirka waajibka kala dhexeeyay.
3- Rabitaanka sharciga ( by the will of the law) qodobka 323 xm.
Waxaa sharcigu ogol yahay inuu qof saddaxaad bixiyo dayn cid kale lagu leeyahay ayada oo aysan ka ku xirnayn ama ka imaan rabitaan dhinacyadii waajibka guntay ama uu ka dhexeeyay waxaa lago ma gacaabaa badiil sharciyeed( legal surrogation).
4- Mowqifka badiilka ( position of surrogate)
waxaa guug ahaan culumadu aaminsan tahay in badiilku qaadanayo mowqifka ama maqaamka daynlihii asalka ahaa, waxaana ku soo wareegayo wax alla wixii xuquuq ahaa ee la xiriiray xaqa ku soo wareegay,
Qaybta labaad: badalidda dhanka passifka ah ee xiriirka ( the changes passive side of the raport).
waxayna ku imaankartaa xaaladaha soo socdo:
1- Ka khaliifka noqoshada daynta ( the succession in debt).
Suurto galnimada inay shaqayso ka khaliif noqoshada daynt si ka duwan tan ku saabsan ammaahda (credit),
Xaaladaha oo ay ku timaado wareegga waxqabadka  dhinaca lagu leeyahay daynta waxaa ay ku imaankartaa saddaxda xaaladood ee oo kala ah:
2)- wakaalad ama Ergay ( delegation).
Waxa ay jirtaa wakaaladi marka daynqabuhu( delegator) u xilsaarto qof kale (delegato) inuu buuxiyo ama fukiyo waxqabadkii laga sugayay ee ka dhashay xiriirka waajibka ama uu u xilsaarto inuu bixiyo lacag laga rabay inuu bixiyo, waxqabadkaas oo loo fulinayo qofkii daynta ku lahaa ( delegatario).
Noocyada wakaaladda.
wakaalashadu waxay ku imaankartaa noocyo kala duwan, waxaana ka mid ah:
Wakaalashada daynta ( delegation of the debt). waxaa ay jirtaa marka daynqabuhu amro qof kale inuu bixiyo dayntii lagu lahaa, kan la amrayna uu qaato inuu gudanayo waxqabadkaas.
Wakaalad bixin lacageed ( Payment delegation). waxaa ay jirtaa marka aysan wakaaladdu ahayn in la qaado dayn bixinteed, laakiin ay tahay lacag in si toos ah loo bixiyo taas oo shardiyaysan waxay dhacaysaa marka jeeg shardiyaysan lagu amro banki inuu cid kale ku siiyo lacagtaas.
wakaalashada isi saaran ( Cumulative delegation) waxaa uu yimaadaa marka dayn qabaha cusub oo ku soo biiray waajib iyo kii hore si isku mid u ah loogu wada leeyahay daynta, kan wax wakiishay waxaa uu xuroobayaa marka la bixiyo daynta ama la guto waxqabadka oo kali ah, haddii kale waa laga rabayaa inuu fuliyo qaxqabakii, haddii la waydiisto, mana uu xuroobayo inta laga  bixinayo ama laga fulinayo.
Wakaalad xurayta. ( Liberating delegation). waxaa uu yimaadaa marka wakaalashada dayn qabuhu uu wakiisho qof kale inuu buuxiyo booskiisa xiriirka waajib isla markaasna uu si cad u ogolaado daynlaha xaqiisa fulintiisa loo wakiilanayo qofka kale, xaaladdan marka ay timaado dayn qabaha cusub ayaa noqonayo dhinca, daynqabihii xiriirka kii hore waa uu ka baxayaa xiriirka waajibka.

3)- Iflaaska daynqabaha Cusub ( Insolvency of the new debtor).
Haddii ay wakaaladdu tahay midda xuraynta ama madax bannaynta oo loola jeedo hadduu daynluhu ogolaaday madax bannayta dayn qabaha asalka ah, waxaa ay keenaysaa in uu waydiisan karo oo kali ah, waxqabadka xiriirka daynqabaha cusub, haddiise daynluhu uusan ogolaan in la madax banneeyo daynqabihii asalka ahaa marka wakaaladda la samaynayay, si isku mid ah ayuu u waydiisan karaa labada midkii uu doono, mana lagu dabaqikaro nidaamka wakaaladda xuraynta, waxayna ku tidaamaa labo xaaladood:
a)- haddii daynluhu si cad u sheego inuu la haro xaqa ah inuusan rabin inuu madax banneeyo wakiishaha labadoobne ay si isku mid ah uu uga rabay fulinta waxqabadka.
b)- Haddii uu la wakiishu ahaa mucsur aan guda karin qaxqabadka markuu qaadayay daynta.
4)- Baabi'idda dammaanadda ( Extinction of the guarantees).
haddii marka wakaaladda la samaynayo  daynluhu ogolaado in la madax banneeyo dayn qabaha asalka ah, dammaanaddii ku xirnayd,  waxa ay ka  dhecaysaa daynqabaha asalka ah, haddii aysan ogolaan ciddii dammaanadda dhiidtay markii hore inay sii jirto.
5- Wakaaladda daynlaha ( active delegation)
waxaan uga hadlaynaa marka wakaaladdu ka timaado dhanka daynlaha ( active gelegation), waxa ay dhacaysaa marka daynluhu wakiisho qof kale in daynqabuhu u guto waxqabadkii xiriirka waajibka qof kale oo noqonayo daynle cusub, waxaa lagu tilmaamaa sida xaalad dhaxal xaqa daynta.
6- Waajib qaadidda qof aan ka mid ahayn Xiriirka ( Espromissione).
Qaadidda waajibka qof aan ka mid ahayn xiriirka waxay ku timaadaa marka qof saddaxaad oo xiriirka waajibka ka ajnabi ah ( espromittente) ayadoo aysan wakiilasho uu sameeyay  daynqabuhu, uu qaado qofkaasi waxqabadka waajibka daynta loo fulinayo daynlaha ( Espromissario).
Qaadidda waajibka qofka sadaxaad waxaa  ka jirta labo aragti oo kala ah:
a)- waajib qaadid isi saaran ( Espromissione cumulativa) waxaan loo jeedaa in daynqabaha asalka ah iyo qaadaha waxqabadka waajibka ay si isku mid ah looga rabo gudashada waxqabadkii laga rabay in lagu gaaro xiriirii asalka ahaa.
b)- waajib qaadid xurayn leh ( Espromissione liberatoria) haddii daynluhu caddeeyo inuu xuraynayo daynqabihii asalka ahaa, taas oo ah in qaxqabadkii xiriirka loo raacanayo qofka sadaxaad ee soo galay xiriirka.
Xaqiijinta qaadidda waajibka. Qaadidda waajibka waxaa lagu xaqiijiyaa ayadoo loo marayo heshiis dhexmaro waajib qaadaaha ( Espromittente) iyo daynlaha.
Nidaamka ishortaagga.
Hasa yeeshee waxaa uu u soo jeedinkaraa is hortaagga uu daynluhu u soo jeedinkaray daynqabaha laga qaaday waxqabadka waajibka marka laga reebo:
1- Is hortaag shaqsi ah sida awood la'aanta daynqabaha ( Inability of the debtor).
2- Is hortaag ka dhashay falal ka dambeeyay markii uu qaaday daynta.
3- Is hortaag  ku saabsan magdhow, arrimahan waxay saamaynayaan labada qaab oo uu ku yimaado waajib qaadiddu oo kala ahaa midka isi saaran iyo midka xuraynta. 
7- Heshiis qaadid dayn ( Accollo)
A)- Mafhuumka iyo noocyada
waa heshiis dhexmarayo daynqabe iyo qof sadaxaad oo lagula heshiinayo qofka saddaxaad inuu qaado bixinta dayn qof kale lagu leeyahay hishiiskaas oo uusan ka qaybgalayn daynluhu.
Heshiiska qaadidda daynta ( Tipi di accollo).
Heshiiskani waxaa uu kiu yimaadaa saaladaha soo socdo:
1- Heshiis fudud ama gudaha ah ( simple or interno) waxay timaadaa marka daynluhu heshiiska uu ka yahay bannanka ama ajnabi, xaaladdan waa marka daynluhu uusan mid ahayn xiriirka  heshiiska ama uusan ogayn, ama dhinacyadu ay ayagu ka saareen.
2- Heshiis dinadda ah ( accollo esterno) waa marka daynluhu ka qaybgalo guntidda heshiiska isla markaasna uu leeyahay awood inaan laga noqnkarin.
Heshiiskan dibaddu ( accollo esterno) si la mid ah delegationka iyo espromissionaha waxaa uu noqokaraa:
a)- Mid isi saaran ( cumulativo). Waxayna timaadaa marka daynluhu ogolaado heshiiska laakiin uusan ka xurayn xiriirka daynqabaha asalka ah, xaaladdan daynqabaha aslaka ha waxa u si la mid ah qofka saddaxaad oo soo galay xiriirka.
b)-  Mid xurayn ah ( liberatorio).   waxa ay imaanaysaa marka daynluhu si cad u xureeyo daynqabaha asalka ah.


Nidaamka is hortaagga.
Qofka saddaxaad ee galay heshiiska qaadidda daynta waxaa uu ku sameey karaa is hortaag daynlaha xaaladaha soo socdo:
1- sababaha is hortaaggu haddii ay ka dhasheen heshiiska cusub ama la xiriiro saxnimada heshiiska ama arrimo keenikaro in heshiiska la baabi'iyo, marka laga reebo waxa  sababo ku saabsan xiriir kale oo kala dhexeeyo daynqabaha asalka ah iyo daynlaha.
2- sababo ku saabsan xiriirka daynlaha asalka ah iyo daynlaha xiriirkii hore.



Comments

Popular posts from this blog

Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed

Cont Law No. 28 of 22 December 1962 Somali Citizenship  

Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis: