Cutubka 5aad: qaababka waajibka ku dhamaado si ka duwan gudashad waxqabadka,( the way of extinction different from fulfillment).
Cutubka 5aad:
qaababka waajibka ku dhamaado si ka duwan gudashad waxqabadka,( the way of
extinction different from fulfillment).
1. Waajibku
waxaa ku dhamaan karaa qaabab ka duwan sida caadiga ahayd, waxaan ka mid ah:
a) Waxaa
uu si toos ah uga imaan karaa heshiiska uu ka dhashay markii hore xiriirka
waajibka sida in lagu daro shardi wax baabi,yo markii hora ba.
b) Waxaa
uu ka imaan karaa inay si guud ugu dhacaan waxa ku dhaco xuquuqaha kale oo dhan,
c) Waxaa
kale oo dhici karto inay timaado in loo fuliyo qaab ama wado ka duwan sidii uu ahaa in loo fuliyo sida qof
saddaxaada uu fuliyo waxqbadka.
d) Ugu
dambeen waxa dhici karto ina la xiriiriyo xalado kale oo soo cusboonaatay waxan
ka mid ah sid cafin,magdhow, isku darmid, suurto gal la,aan gadaal ka timid,
cusbooneysiin.
Kuwaan
ugu dambeya culimad waxay u kala qaadan:
a) Qanciyaal,
waxa looljeeda marka la qanciyo daynlaha dantiis ama hadafkiis uu ka lahaa
guntida xirirka.sida magdhow.
b) Ma
qanciyaal, xaladan waxa lool jeeda marka xiriirka waajibka ku dhamaado ya doona
la qancina daynlaha danti uu ka laha guntida xiriirka waajibka, sda cafin.
2. Cusboonaysiinta
xiriirka waajibka( the novation)
Qeexida;
waxaa uu yimaada marka ay dhinacyadu ku heshiiyaan, ayadoo aan la fulin
waxqabadki xiriirka wajibka asalka ahaa, inay ku badalan mid cusub o mowduucis
ka duwan yahaywaxqabadkii waajibkii hore,
Qaanuunka waxaa uu ka
hadlaa labo nooc oo cusboonaysiin ah kuwaas oo kala ah:
a) Cusboonaysiin
mowduuci ah, waxa uu jira marka waajiba cusub
dabeecad ahaan mowduuciis ama magacis ka duwn yahay kii asalka ahaa.
b) Cusboonaysiin
dadka ah, waa marka cusboonaysiintu ku timaado dadka isla markaasna ay yimaadan
dad ka duwan kuwii hore.
Nidaamka cusboonaysiinta
Si
loo helo cusbonaysiin waxa loo baahan yahay:
1) Waajibkii asalka
ahaa ina labadalo; waxay noqonaysaa hadi la badalo mid
baaba,ah.
2) In
la badalo mowduuca;
3) Rabitaanka
dhinacyada;
Dabeecadda qaanuuneed.
·
Waxay ku timaada
cusboonaysiinta ina ay tahy heshiis ka yimida dhinacyada oo ay ku doonayaan
inay ku baabi,iyaan xiriirki hore u jiray isla markaan ay ku abuuraan xiriir
cusub si ay u xaqiijiyaan ama u gaaraan dantooda.
·
Sababta
cusboonaysiintau waxaa saldhiga u ah dan ka dhaxaysa labada dhinac oo keenatay
inay baabi,iyaan waajibki asalka ahaa kuna badalaan mid cusub.
3.
Cafinta
ama saamixida
Cafintu
ama saamixida dayntu waa ka tanaasulid daynlaha inuu cafiyo xaqiisa dhamaan ama
qayba ka mid ah, waxaan ka dhalanyso in waajibka baaba,o daynqabuhun ka xuroobo
waxqabadkii la sugayi, asigoon fulin axqabadkii laga rabay.
Qaabka ; cafintu waxay
ku I maan kartaa:
a) In
si cad loo muujiyo,
b) In
si daahsoon, waxay ay timada marka hab dhaqanka daynlaha uu noqdo midaan la
socon Karin qof rabo inuu waydiisto xaqiis.
Dabeecadda qaanuuneed
Cafintu
waa xiriir hal dhinac le ah oo
natiijadiisu dhalanayso marka la gaarsiiyo daynqabaha , hase yeeshe rabitaanka
daynluhu maaha cunsur lagama maarmaan ah si u guntamo xiriirka cafintu, laakin
shardi lagu xiro dhaqan gallkiisa,
Sababta cafiska
Sababta
cafiska muhiimadeedu waa inay tahay
bilaash, daynluhu waxa uu cafinayaa daynta asiga oo aan wax muqaabal ah aan la siin.
4. Magdhow
Qeexida:
magdhaw waxa lagu fasiraa ciwal celinta laga bixiyo marka qof waxqabadki laga
rabay uu gudan waayo waajibkii laga sugaayay inuu guto ama waxqabadkii.
Noocyada magdhawyada
Noocyada
magdhawgu waxay u kala baxaan saddax:
1) Magdhaw
sharciyeed: kaas oo lagu sameeyo daymaha dhexdood, waxayna
kala yihiin:
a) Daymo
is leh ama isku mid ah, kuwaas o mowduucodu yahay tiro lacag ah.
b) Liquids: mowduuca waxqabadka waa inuu noqdo
mid la hubo, mucayan tahy tiradood.
c) La
weydiisan karo: oo lool jeedo inaysn ku xirnayna waqti la bilaabo ama shardi xayirayo.
2) Magdhaw
garsooreed: waxy jirta marka labaddayn ay yihiin
kuwo la weydiisan karo waxayn ku timaada go,aan maxkamadeed.
3) Magadhaw
rabitaaneed: waxay jrta marka dhinacyadu ku
heshiyaan inay isku tiraan ama isla tuuran daymo ay isku leeyihiin.
Daymo aaan la isku tiri karina.
Daymaha qaarkood ayadoo la egayo
daeecaddahood waxay noqonayaan in la fuliyo sidaas darted ma noqon karaan
mowduuc isku tir ama magdhaw.
·
Waxqabad dayn ka
dhalatay soo celin shay qofkii lahaa si sharci daro ah looga qaadatay
milkiilihii lahaa.
·
Waxqabad dayn ka
dhalatay shay rahan dayna la qaatay loo dhigay.
5.
Isla
midoobida isku darsoomida.
Qeexida:
waxay jirtaa xaaladaani marka noocyada daynla nimada iyo tan daynqabanimada ama
dhinac daynlanimada iyo dhinac daynqbanimad ay iskugu tagaan hal qof oo ay mesh
ka baxdo inay jiraan xiriir sharciyedka waajibka.
Xaaladah ay ku timaado
isla midoobidau.
1) Ficil
dhexmara dad nool.waxay timada marka la wareejinayo shirkada qof ay shirkadu
dayn ku laheed,
2) Sabab
ka dhalatay dhimasho. Waxay jirta marka uu daynluhu u noqdo dhaxaltooyada
daynqabaha.
Natiijada ka dhalata isla midoobida
Hal
dhinac noqoshada labad dhinac waxa ka dhasha inuu baaba,o xiriirka waajibka iyo
inay dhammaato dammanadii la xiriirtay xiriirkaas ee u qof saddaxaad uu qaaday.
6.
Suurta
gal la,aan gadaal ka timida
Suurta
gal la,aan soo daristay ama gadal ka timid waxay keentaa dhamaadka xiriirka
waajibka,
Comments
Post a Comment
Welcome our Legal Forum