Qaanuunka waajibka(law obligation )

Cutubka koowaad: Qaanuunka waajibka
1.     Qeexida waajibka: waajib waa xirir sharci oo ka dhasha  waajib mid gaar ah ee ku jeedo qof mucayan ah, daynsane kaas oo laga doonayo inuu sameyo howl leh qiimo hantiyeed oo lagu qancinaayo dan uu leeyahay qof kale “daynle”.
kala duwanaashaha ka dhexeya xuquuqda ka dhalata waajibka iyo xuquuqda hantida , waxa laga eegi karaa dhinacyo  kala duwana:
1)      Dabeecadda xaqa
·         Xuquuqda ka dhalata hantida(real rights) waa mid dhamestiran oo uu ka dhalanayo waajib sharciyeed guud oo ku wajahan cid kasta, oo laga rabo inay ka dhorto waxii dhibaya ama ka hor istaagaya qofka iska leh inuu si buuxda oo sharciga waafaqsan u isticmaalo xaqiisa(absolute).
·         Xuquuqda ka dhalata mucaamalaadka dadka ama daynta(obligation rights) waa xuquuq ka dhalanayso waajib ama culeysa gaar ah oo ku wajahan qof mucayin ah oo sharciyana laga doonyo inuu u guto si waafaqsana wixii lagu hshiiyay(relative).
2)      Xiriirka qofka iyo xaqa
·         Xuquuqda ku saabsan hantida (real rights) ama xiriirka sharci ee ka dhaxeeya milkiilaha iyo shayga waa xiriir buuxa oo toos ah, marka xuquuqda ka dhalato waajibka (relative rights) ay tahay xiriir sharci oo ku kooban dhinacyada uu dhexmaray.
·         Dhanka kale xuquuqda ka dhalata lahaanshaha waa mid ku dhisan gacan sareynta qofku uu ku leeyahay shayga uu leeyahay, meesh xuquuqda ka dhalata waajibka uu mudnaanta leeyahay waxqabadka laga rabo qof ama dad badan. (trabucchi).
3)      Ilaalinta xuquuqda
Xiriirka sharci ee dhammeystiran (real rights) si uu u ilaashado qofka xuquuqdisa, waxaa uu xaqa uu u leeyahay inuu qaado talaabo kasta uu ku ilaashanaayo ama uu ugu hor tagayo cid kasta oo ku soo xad gudubta hantidiisa, laakina xuquuqda ka dhalata  waajib oo ku timaada xiriir sharci ah caadi ahaan daynluhu waxaa uu si shaqsi ah uga qaadi karaa tilaabo sharci ah ama uu waydiisan karaa xaqiisa qofka uu kala dhaxeeyo xiriirka sharciga daynqabe.
4)      Qaabka lagu yeesho
Xuquuqda dhammeystiran (real rights) waxaa lagu yeelan karaa si asal ah (original), marka xuquuqda ka dhalato xiriir sharci ee dhaxmaray labo dhinac iyo wax ka badan, waxaa lagu milkina karaa si aan asal aheyna (derivative).
2.      XUBNAHA WAAJIBKA ( ELEMENTS OF OBLIGATION)
Xubnaha waajibka waa:
a)      Dayna: (debt). Dayn qabe waa dhinac sharciyan uu saran yahay culeyska waajibka ee ka dhashay xirirk sharciee dhex maray  labad dhinac, waxaa uun nuxurkiisa yahay mas uuliyada wax qabada mucayin ah.
b)      Amah(credit): waxaa loola jeeda wax qabad laga doonayo dhinac kale ee xiriirka waajibka ama hab dhaqan sharciga ilaalinayo oo la rabo in daynsanuhu sameeyo si loo gaaro danta uu leeyahay dhinac kale oo xeerku u yaqaano daynle.

3.      Howsha ( prestation or performance)
Mowduuca waajibka (obligation object) waa howsha ama hab dhaqan laga arabo samayntiisa daynqabaha, waxa ay ku saabsanaan karaan howl ama dhaqan ogolaansho yeedlida ah (positive action) sida : sii, bixi, ama same. ama diidmo ah (negative action) sida ha sameen.
Shuruudaha howsha eela rabo ina lagu gaaro xiriirka waajibka, waxayna kala yihiin:
1)      Hanti ahaanshaha howsha
Howsha ama hab dhaqanku waa inuu noqdaa mid leh qiimo dhaqaale ama lagu qiimeena karo lacag, taas oo ka taagan ama mata laysa qiimaha dhaqaale.
2)      Suurta galnimada howsha
Waa iny noqoto mid suurta gal ah sidaa waxaan ka qaadanayna qodobka 130 xm oo tilmaamayo.
3)      Sharci waafaqsanaanta howsha
Waa inuusan ka hor imaan sharciga, nidaamka guud, ama hab dhaqanka suuban.
Hadii uu ka hor yimado intas sida uu tilmaamayo qod133 heshiiskaas waa waxba kam jiraan.
4)      Mucayin ah ama la cayimi karo
Howsha ama hab dhaqanka waa inay noqotaa bilowga mid la cayimo ama la cayimi karo, sida uu qabo qodobka 131xm.
5)      Danta ama hadafka
Danta ama hadafka lagu garayo xiriirka ka dhasho waajibka waa inuu noqda mid waafaqsan danta uu ka lahaa daynluhu, xataa hadii aysan ahayn dan hantiyeed, waxaa la ogol yahay in danta laga leeyahay waajibka ay noqoto dan cilmiyeed ama dhaqan.
4.      ILAHA WAAJIBKA (source of the obligation).
Ilaha waajibka waa fal sharciyeed asal ahaan uu ka dhasho xiriirka waajib.
Hadab waajib waxa uu ka dhashaa asal ahaan ama ka dhalan karaa mid ka mid ah arrimahaan:
a)      Heshiis
Heshiisku waa ila ka mid ah ilaha uu ka dhasho waajibka, waana midka ugu muhiimsan.
b)     Fal sharci daro ah.
Waxaa lagu tirinayaa inay tahay ila ka mid ah ilaha uu ka dhasho ama uu ka yimaado xiriir sharci ,
c)      Fal ama ijraa,aad kale.
Fal ama ijraa,aad  kale ee u qalma inuu ka dhasho waajib si waafaqsan nidaamka sharciyeed .
·         Marka dhinac kale laga eego ilaha waajibka aan kor ku soo sheeganay waxaa loo kala qaadi karaa: 1- mid ka dhasha ama ka yimaada gorgortan la isku af gartay, 2- rabitaan labo dhinac iyo kuwo aan sidaas ku imaan.
·         Ilaha waajibka ka dhasho rabitaanka ee abad dhinac waxa ka mid ah: heshiiska,iyo rabitaanka ka yimada hal dhinac. Ilaha waajib ka dhalan karo ee aan dabeecad gorgortan ama rabitan lahayn sida fal sharci daro.

d)     Sharciga: isha ugu dambeyso ee ka mid ah ilaha waajibka waa sharciga,qod195xm aya si cad u tilmaamayo.

Comments

Popular posts from this blog

Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed

Cont Law No. 28 of 22 December 1962 Somali Citizenship  

Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis: