Cutubka 4aad: saamaynta ama Natiijada heshiiska.

                     Cutubka 4aad: saamaynta ama Natiijada heshiiska.
Heshiiska markii uu guntimo waxaa ka dhasho xiriir qaanuuneed oo samayn ku yeesho dhinacyada ama cid kale oo saddaxaad.
1-saamaynta uu ku yeesho dhinacyada{Greation of legal bond}
Saamaynta uudhinacyada kuyeesho, waa abuurid xarig qaanuuneed,mar haddii dhinacyada galaan heshiiska,waxaa uu ku yeelanayaa awood qaanuuneed,asagoo dhalanayo waajib ay qasab tahay inay dhinacyada ama dhooraan marka laga eego xagga sharciga.
1.                  Saamaynta ka dhalato  heshiiska waxay ku gudbaysaa
a-ciddii  siguud u dhaxasho dhinac ka mid ah labada dhinac{universal successor}
b- ciddii  sigaar ah u dhaxaso dhinac ka mid ah labada dhinac{particular successore}
2- heshiis leh samayn waajib iyo  heshiis leh samayn cayni ah{obligation effect and real effects}
a-heshiiska uu ka dhasho samayn waajib
1.                  Marka mooduuca waxqabadka wajibku yahay shay guud{something generic} oo lagu xaddikaro marka la fuliyo
2.                   Marka mooduuca heshiisku yahay wax mustaqbalka la ballan qaaday.
3.                   Marka mooduuca heshiisku yahay shy cid kale leedahay.
b- heshiis leh samayn cayni ah leh: contract with real effects.
Heshiiskan waa mid ay natiijadiisu ama saamayntiisu dhalanayso is la markiiba, kuwo mooduucoodu yahay, wareejin shay mucayin ah ama layaqaanno, waxaana shayga lahaanshihiisu ku wareegayaa marka lahelo soo bandhigid rabitaan sharci waafaqsan.
3-saamaynta heshiiska dadka saddaxaad{ effects of the contract towards third parties}
1.                  Qeexid qofsaddaxaad: Nuxurka qof sadaxaad,  qof aan saamayta kulaheen  dhinacyada heshiiska ama ciddii uu ka dhaxeeyo heshiiska.
2.                  Qofsaddaxaad iyo heshiiska:
Waxaa lagu nidaamiyaa saamaynta heshiisku uu ku yeelan karo qof saddaxaad:
1.                  Heshiis waxqabadkiisu ku xiran yahay qof saddaxaad:
Heshiis,wajib waxqabad ku xiran qof kale, wixii uu ballan qaaday iyo inuu magdhaw ka bixiyo uusiiyo{indemnify} dhinaca uu lagalay heshiiska, haddii qof saddaxaad wixii ku xirnaa oo uu ballan qaaday ay filiwaayaan.
2-Diidmada heshiis wareejineed{contractual prohibition of alienation}


 Heshiiska dhinacyada mid ka mid ah uu ugu ballan qaadayo dhinaca kale, waxqabadka waajibka ah inuusan wareejin shay la yaqaano waqti laxadiday, sharcigu waa ogal yahay haddii ay jirto dan qaanuunka ogal yahay  oo dhinac ka mid ah dhinacyadau ku heshiiyeen
-heshiiskan saamayntiisu ku yeelankarin dadka saddaxaad:
1-saamaynta tooska ah            2-midda raacdada ah{ essential effect,or accessories}
4-Heshiis u danaynayo qof saddaxaad{the contrac in favorof of the third}
a-Waxaa lagu qeexikaraa heshiis ay labo dhinac guteen oo ujeedada dhinac, dhinacyada ka mid ah ay  tahay inuu qof saddaxaad oo aan  heshiiska  dhinac ka ahayn uu ka faa,iidaysanayo waxqabadkiisa.
Tusaale: waalid heshiis caymis nolaleed u sameeyay ilmihiisa kadib  geeridiisa in la siiyo ilmahiisa waxii ka soo baxo.
b-Nidaamin{discipline}
1.                  Qof saddaxaad waxaa uu yeelanayaa xaqa waxqabadka laga billabo marka la guntay heshiiska laakiin dhinac kama aha
2.                  Qof saddaxaad waxaa saaran inuu caddeeyo inuu rabo inuu ka faa,idaysto, ilaa inta uu bixinayo caddaynta rabitaankiisa waxaa uu halis u yahay inuu waaayo

3.                  Caddaynta qof saddaxaad inuu rabo inuu ka faa,idaysto kamareebeeso dhinaca heshiiska inuu kanoqdo ama badalo qofka ka faa,idaysanayo, haddii dhalashada xaqa qofka saddaxaad immaanayo kadib geerida guntaha heshiiska

Comments

Popular posts from this blog

Tiirarka Danbiga ciqaabta soomaaliyeed

Cont Law No. 28 of 22 December 1962 Somali Citizenship  

Xiliga Ay Waajib Tahay Xirista Amar Maxkamadeed La’aantiis: